[rank_math_breadcrumb]

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Si Kasoo Horjeeda Sida Dad Badani Aaminsanyihiin Ma Jiraan Dad Aan Guulaysan Amase
Guuldaraystaa, Hase Ahaatee Waxa Jira Dad Haysta Fursadaha Lagu Guulaysto Kuwaasi
Yaqaana Sida Looga Faa’idaysto. Waxa Kaloo Jira Dad Haysta Fursadahaas Balse Aan Garanayn Sida Looga Faa’iidaysto.
Waxa Kaliya Eed Ubaahan tahay Inaad Qabato Si Aad Guul Ugaadho Waa Inaad Si Sax Ah U Qabato Waxa Dadka Guulaystay Sameeyeen.
Markaad Akhridid Warbixintan Hoose Waxaad Si Buuxda U Heli Doontaa Dhamaan Fikradihii Ay Xambaarsanaayeen Dadka Guusha Gaadhay Taasi Oo Kaa Caawinaysa Inaad Guul Gaadho.
Maxaan u guulay-san waayay?
Hadaad dhab u doonayso inaad guulaysto waa inaad si qotodheer u fahantaa fikradaha guud ee cayimaya fursadahaaga kaana dhigaya qof aan guulaysan.
Dadka guulaystaa waxay ka fogaadaan fikradahaan curyaamiyay dad badan sidoo kale waa inaad adna ka fogaataa:
• Fikradaha khiyaaliga ah: Fikradaha khiyaaliga ahi waa fikradaha aan saxda ahay eed naftaada ama wax ka aaminsantahay.
Fikradaha khiyaaliga ah waxaa ka mida “waligay shaqo ka heli maayo wadanka” ama
5
“tan waxba ma dhexyaalaan”.Fikradaha khiyaaliga ahi waxay si toos ah uxadidaan fursadahaaga dhabta ah iyo guushaadaba.Ka takhalusida fikradahaas iyo inaad waxbadan ka ogaataa waa hawsha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad qabato haddii aad u jeelantahay guul. Fikradaha khiyaaliga ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburin karaan noloshaada.
• Adkaysi la’aan: Kawaran adigoo leh waxbarasho tayo sare leh iyo xirfado aad u sareeya hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib markaad guul daraysato hal ama laba jeer? dadka kaliya ee nolosha ku guulaystaa waa dadka adkaysiga leh kuwa aan ka hadhin haddafkooda iyo hiigsigooda illaa inta ay ka helayaan waxay doonayaan xataa haday waxkastaa lidi ku noqdaan iyo xataa haday guul daraystaan waxbadan.
• Isbadal la’aan: Isbadalku waa awooda lagula qabsado xaaladaha guud. Waa awooda layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu shaqayn waayo.Isbadalkaaga oo bata waxaa badanaya laqabsashada aad la qabsanayso xaaladaha kala duwan taasi oo badinaysa fursadahaaga guusha.
• Qorshe la’aan: hadii aanad hadaf iyo qorshe lahayn ogow inaad noqonayso qayb ka mid ah dadka kale qorshahooda. Hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad noqoto hogaamiyaha tiimka ama kooxda aad wada shaqaysaan qof kale oo kamida kooxdiina ayaa qorshaysan doona sidoo kale hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaharka sare leh ogow in qof qorshaystay uu kaa buuxin doono. Wuxuu kaa buuxin doonaa booskaa mushaharka sare leh, lacagta badana isagaa qaadan doona, isaga ayaana caan noqon doona halka aad ka noqon doonto daawade. qorshuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa guusha.
HANASHADA FURAHA GUUSHA

Nacaybka jacayl ku badal.
Dulmiga cadaalad ku badal.
Carada cafis ku badal.
Murugta farxad ku badal.
Fudeydka kaadsiinyo ku badal.
Bakhaylnimada wax bixin ku badal.
Cadowtooyada raxmad ku badal.
Tuhmada cudurdaar ku badal.
Niyadxumada niyadwanaag ku badal.
Aargudashada saamaxaad ku badal.
Cayda ammaan ku badal.
Islaweynida islayaraan ku badal.
Ixtiraam dararada maamuus ku badal.
Xanta inaad iska dayso ku badal.
Xasadka inaad dadka khayr la jeclato ku badal.
Xiqdiga qalbi furnaan ku badal.
Afdheerida afgaabni ku badal.
Warxumatashiilka hubsiino ku badal.
Khayaanada amaano ku badal.
Xumaanta wanaag ku badal.
Dabeecadda xun dabeecad wanaagsan ku badal.
Haddii intaas lagaa helo adna waad ku caafimaadi dunida,oo waxaad kasban tixgalin iyo jacayl,aakhirana waxaad filan ajarka uu mid kasta oo intaan ka mid ahi gaar u leeyahay oo dambi dhaaf iyo darajaba leh.
Abu Suleiman (Xijaabtay )
Abu Solaiman wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Kooxda Abu Sayyaf, oo ah koox Islaamka xag-jirka ah oo ka hawlgala dalka Philippines. Intii uu ahaa madaxa hawlaha iyo saadka ASG, Solaiman, iyo Khadaffy Janjalani, waxay ka mas’uul ahaayeen afduubyadii iyo dilkii loo geystay laba qof oo ay jinsiyaddoodu ahayd Mareykan iyo Filibiin. Waxaa lagu eedeeyay afduubyadii Martin iyo Gracia Burnham iyo laba qof oo kale oo Mareykan ah. Wuxuu kaloo Suleiman ka qayb qaatay madax gooyadii lagu sameeyay Guillermo Sobero, oo ahaa qof kale oo Mareykan ah. Suleiman mas’uul kama ahayn weerarradaan oo kaliya wuxuu kaloo ka qayb qaatay qorshaha iyo fulinta weerarro badan oo lagu qaaday danaha Mareykanka, waxaana ka mid ahaa weerarradii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Manila iyo Superferry 14 iyo qaraxyadii bamka ee Valentines Day, oo ay guud ahaan ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dad aysan quseynin.

16-kii Janaayo, 2007, Ciidamada Hubeysan ee dalka Philippines (AFP), oo ku hawlgalay warbixin laga helay labo qof oo Filibiin ah, waxay qaadeen weerar waxayna dileen Solaiman. Hawlgalkan wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waxaana suurageliyay in la adeegsado macluumaadkii ay shakhsiyaadkan siiyeen ciidanka Philippine. Dhammaan macluumaadka iyo gargaarka ay bixiyeen shakhsiyaadkan waxay aad u anfaceen in la helo, la dilo iyo kaddibna la aqoonsado Abu Solaiman. Sidii geesinimada
7
lahayd ee ay taageero uga geysteen darteed, waxaa dadkii reer Filibiin ahaa la siiyay abaalmarin guud oo gaaraysa $5 milyan (245 milyan oo beesos) oo ay Dawladda Mareykanka ku siisay xaflad uu Safiirka Mareykanka ee dalka Filibiin u fadhiya uu ku qaban qaabiyay jasiiradda Jolo 7-dii Juun, 2007.

Waxaa horrantii 1990-dii Kooxda Abu Sayyaf aasaasay Abdurajik Janjalani, oo ah walaalkii ka weynaa Khadaffy Janjalani. Abdurajik Janjalani ayaa Afqaanistaan kula kulmay Usama bin Ladin oo iminka dhintay marki uu la dagaallamayey Soofiyeetka waxaana ku dhalatay in uu dalka Filibiin ka aasaaso dhaqdhaqaaq goosad oo Islaam ah. I Tan iyo 1990-yadii, ASG waxay dhowr weerar oo qaraxyo bam ah ku qaadeen hanti ay leeyihiin Mareykanka iyo Filibiin. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxay kaloo ASG ka dambeeyeen dhowr hawlgal oo dad lagu afduubay si ay lacag u helaan, waxayna bartilmaameed ka dhigteen ganacsatada deegaanka iyo dad dalxiis ku jira. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay ASG ku tilmaantay in ay tahay urur argagixiso oo ajnabi ah oo weli khatar ku ah xasilloonida dalka Filibiin.

Abu Solaiman wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Kooxda Abu Sayyaf, oo ah koox Islaamka xag-jirka ah oo ka hawlgala dalka Philippines. Intii uu ahaa madaxa hawlaha iyo saadka ASG, Solaiman, iyo Khadaffy Janjalani, waxay ka mas’uul ahaayeen afduubyadii iyo dilkii loo geystay laba qof oo ay jinsiyaddoodu ahayd Mareykan iyo Filibiin. Waxaa lagu eedeeyay afduubyadii Martin iyo Gracia Burnham iyo laba qof oo kale oo Mareykan ah. Wuxuu kaloo Solaiman ka qayb qaatay madax gooyadii lagu sameeyay Guillermo Sobero, oo ahaa qof kale oo Mareykan ah. Solaiman mas’uul kama ahayn weerarradaan oo kaliya wuxuu kaloo ka qayb qaatay qorshaha iyo fulinta weerarro badan oo lagu qaaday danaha Mareykanka, waxaana ka mid ahaa weerarradii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Manila iyo Superferry 14 iyo qaraxyadii bamka ee Valentines Day, oo ay guud ahaan ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dad aysan quseynin.

16-kii Janaayo, 2007, Ciidamada Hubeysan ee dalka Philippines (AFP), oo ku hawlgalay warbixin laga helay labo qof oo Filibiin ah, waxay qaadeen weerar waxayna dileen Solaiman. Hawlgalkan wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waxaana suurageliyay in la adeegsado macluumaadkii ay shakhsiyaadkan siiyeen ciidanka Philippine. Dhammaan macluumaadka iyo gargaarka ay bixiyeen shakhsiyaadkan waxay aad u anfaceen in la helo, la dilo iyo kaddibna la aqoonsado Abu Solaiman. Sidii geesinimada lahayd ee ay taageero uga geysteen darteed, waxaa dadkii reer Filibiin ahaa la siiyay abaalmarin guud oo gaaraysa $5 milyan (245 milyan oo beesos) oo ay Dawladda Mareykanka ku siisay xaflad uu Safiirka Mareykanka ee dalka Filibiin u fadhiya uu ku qaban qaabiyay jasiiradda Jolo 7-dii Juun, 2007.

Waxaa horrantii 1990-dii Kooxda Abu Sayyaf aasaasay Abdurajik Janjalani, oo ah walaalkii ka weynaa Khadaffy Janjalani. Abdurajik Janjalani ayaa Afqaanistaan kula kulmay Usama bin Ladin oo iminka dhintay marki uu la dagaallamayey Soofiyeetka waxaana ku dhalatay in uu dalka Filibiin ka aasaaso dhaqdhaqaaq goosad oo Islaam ah. I Tan iyo 1990-yadii, ASG waxay dhowr weerar oo qaraxyo bam ah ku qaadeen hanti ay leeyihiin Mareykanka iyo Filibiin. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxay kaloo ASG ka dambeeyeen dhowr hawlgal oo dad lagu afduubay si ay lacag u helaan, waxayna bartilmaameed ka dhigteen ganacsatada deegaanka iyo dad dalxiis ku jira. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay ASG ku tilmaantay in ay tahay urur argagixiso oo ajnabi ah oo weli khatar ku ah xasilloonida dalka Filibiin.

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment