wuxuu igu yiri an idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadlijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan 00 Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo yo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiyey:
A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii….? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in an markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar
aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado….?.” mar kale ayaan argagaxay 00 aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u galantaa walaal waana aqbalay” Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolayn, Nasiib daro waxaa na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen o ay beelihiï aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay o midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u
doono.
dhacdadii labaad
Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar an isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse il sheegtay arrin aad iyo aad uga qirooday o0 ah in uu waashay oo uu qashinka
ururiyo qofkii dumar ah ee u dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiïgado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Sinaay In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobti aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan o0 aan isweydiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu Qalbigiisa dhaawacday,
Waxaan usoo anbabqxay
×amar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa
lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan halkaas ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay o aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar. Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa Oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray gurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna il sheegeen inay Yaaqshiid u guureen o beeshoodu ka taliso. waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la li tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku horeeyey o i arkaa wuxuu ligu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib uga laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygili ka garsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay o0 aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa ima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo an helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii ligu ligu dhowaa markil gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M yo Alawaa khadiijo, alla ×agee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo will ay walaalo ahayeen 00 Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado o ka shaqeeya isla beled wayne. Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markiï an la kulamay wuxuu iï muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin Wuxuu igula taliye in aan iska_ lonno waayo qadiyada