Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.
Hor-dhac:-
Sheekadan halkan idiinka soo socota waa sheeko iyo qisso dhab ah oo ka dhacday wadan wadamada Yurub ka mid ah,taasi oo iila muuqatay in aan dadka usoo gudbiya in ay fiican tahay , madama aan u arkay in ay tahay sheeko waxbadan laga faa’idaysan karo .
Magaca sheekadu sida kor ku xusan waxa uu yahay “Masayrka raggu ilayn waa masiibo qarsoon” iyada oo sababta aan sheekadan ugu magac daray ay tahay kadib markii aan wax badan ka ogaaday in sheekadani ay raad wayn ku leedahay nin gabadh jeclaaday kadibna Masayr iyo hiinase ku dhacay awadii uu gabdhii uu jeclaa uu foolxumo kula dhaqaaqay.
Akhristayaal inaga oo ilaalinayna xuquuqda iyo karaamada ay leeyihiin dadka ay sheekadani sida gaarka ah ay u khusayso ,ayaa waxa aynu qarindoona sida inta badan dhacda marka sheekoyinkan oo kale la qoraayo magacyada dhabta ah ee ay dadkani leeyihiin.
Waxa aynu sheekadan ku mala-awaali doonaa ,magacyo aan isleeyahay waxa ay u qalmaan dadka ay sheekadini khusayso ,magaca ugu horeeyaa waa Kariima oo aynu ugu yeedhi doono gabadha sida wayn ay sheekadani u khusayso amma aktarada Magaca labaadna waaMuxsin oo ah ninka sida layaabka leh sheekadan ugu suntan iyo Magaca sadaxaad oo ah Daacad oo isaga laftiisu sheekadan kaalin laxaadleh kaga jira.
Gogol xaadh :-
Dunidan aynu ku nool nahay doodi kama taagna in ay Jaceyl ku uu yahay wax jira oo Ilahay csw Aadmigiisa ku abuuray ,qofkasta oo aad waydiiso waxa uu yahay jacaylku waxa uu ku sheegayaa in uu jacaylku jiro balse waxa laga yabaa in qofkastaba uu qaab gooniya u fasiro.
Qofka uu jacaylku hayaa waxa la mid yahay , qof saaran Doon Bilaa shiraaq ah oo badwaynta dhexdeeda ay mawjadaha baddu ay marba meel ku tuurayaan,cid uu miciin sadaana aanay u muuqan .
Isbarasho dhex martay laba qof ayaa kow u ah asaaska jacaylka ,kadibna waxaa bilaabanta xiiso iyo wada sheekaysi kaasoo looga sii gudbo kalgacal iyo is-raali galin aakhirkana u gudubta jacayl dhab oo ay laba qof isu qadaan amma mid ahaan uu kan kale uu qaado.
Inta badan sheekooyinka kusoo aroora jacaylku, xiisu badan ma yeeshaan hadii ay labada qof ee isjeceli ay yihiin kuwo isaga garabaa ,isku sina u wada arka jacaylka ay isu qabaan inta uu leeg yahay,balse waxa ay sheekadu xiiso iyo xamaasad gooniya leedahay dadkuna ay jecel yihiin ,marka labada qof mid ka midii uu si daran wax u jecel yahay ,kan kalana aanu ku raacsanayn.
Jaceylku waa dareen ,waa lahasho ,waa hibasho , qofka wax jecel waxa ku abuuran warwar iyo walaahaw, qofka jacaylku hayaa waa jooge maqan oo aan dhanaba jirin,ma seexdo oo hurdo way kala tagaan .
Jacaylku malaha dhakhtar loola tago iyo daawo laga liqo oo markaaba kaa bogsiisa balse waxaa dhakhtar iyo daawaba u ah qofka uu jacaylku hayo, in uu helo qofkuu jecaylaa ee qalbigiisu la jiray.
Hadii aan jacayl jirin , jaar lam ahadeen Hadii aan jacayl kirin , Jagi lama cayareen
Hadii aan jacayl jirin , Adunyadu ma joogteen.
Sheekada madama ay dhinacyo badan oo dad ahi ay ku jiri karaan ,waxaa aniga sheekadan xogteeda oo buuxda i siiyay si aadana iiga codsaday in aan qoro ,mid ka mida darafyada ay sheekadani khusayso ,kaasi oo ahaa mid qisadan iyo sida ay u dhacdayba bilaw ilaa dhamaad la socday.
Qaybta 1-aad ee sheekadu waa tan :-
Kariima waa gabadh Somaliyeed oo qurux badan , waa gabadh midabka ugu fiican ee mariindhalaalka xiga leh,waa gabadh wajigeeda ka dhawrtay is-cadaynta aan cilmiga ku dhisnayn ee dumarkii Somaliyeed qaar ka mida lagu ibtileeyay ,waa gabadh dhererkeedu meel dhexaad tahay ,waa gabadh jiniyad leh oo muuqeeda marqudha aanad ka jeedsanayn.
Kariima qofkasta oo arkaa amma bartaa waa gabadh aanu ka xiiso goynayn, bulshonimo iyo bashaashnimo diin ku salaysanna Ilahay ku manaystay ,waa gabadh ku dadaasha in ay ka fogaato waxkasta oo ay isleedahay sharafteeda iyo dhagtaada ayuu dhawacayaan.
Kariima waa gabadh ay adag tahay in si fudud ay u duufsadaan ,dhalinyarada iyo dhabcalada inta badan aan dhawrin dhagta iyo sharafta gabdhaha Somaliyeed ,waa gabadh ka dhiidhida xumo dhamantii ,tasoo gabdhaha la dhigaalka ahna ku dhiirisa in ay dhag xumo dhamaan teed ka dhawr-sadaan.sidoo kale waa gabadh ku fiican waxtarka iyo taakulaynta dadka .
Kariima waxa ay ka dhalatay Qoys Somaliyeed oo sharaf iyo karaamo ku dhex lahaa dadkii ay la degeenka ahaayeen ,waxay ka dhalatay qoys aan dhaqaale buuran haysan , waxa ay la noolayd Aabo iyo Hooyo u darban sidii ay nolosheeda iyo tan caruurta ay walalaha yihiinba u daryeeli lahayeen.
Wakhti lagu qiyaasi karo 1993 ayaa Kariima waxa ay hoyadeed ku dhimatay dalkii Somaliya iyada oo u dhimatay xanuun kusoo boodo ahaa , waxaa sidoo kale rabshadahii wakhtigaasi dalka ka jiray isagana dhawac kasoo gaadhay abaheed ,intaasi wixii ka danbeeyay Kariima iyo caruurtii kale ee ay walalaha ahayeenba waxa soo food saartay duruuf aad u adag.
Kariima iyo caruurtii ay walalaha ahayeenba, waxa uu qorshahoodu noqday in ay kala qaybsadaan dadkii ehelka ugu dhawaa sida Edooyinkii iyo Habaryarahii iwm taasi waxa ay sababtay in dhamaan caruurtii walalaha ahaa ee is-dugsanayay qaarbe meel la geeyo duruuf iyo dantimi awadeed.
Qaybtii 2-aad ee sheekada:-
Hadaba Kariima oo ah gabadha ay sheekadan jacaylka ahi ku socoto ,waxa ay cimrigeeda intii ay jirtay ay kusoo kacaantay duruufahasi kala wada gadisdan ee aynu qaar kamida kor kusoo xusnay.
Kariima madama ay kusoo kacantay noloshaasi sida kooban aynu ugasoo waranay lana soo kulantay xiliyadii uu dalku aadka u dhibatada badnaa ,waxa aad dareemi kartaa qof gabadh ah walibana aan sida u da’waynayn sida uu duruufta noocaasi ah uga soo bixi karto.
Kariima wax ay soo kacaa kuftaba ,wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa waxa ay timi wadan ka mida wadamada Carabta ,muddo ka bacdina waxa ay ku fikirtay in ay safar dheer u gasho wadamadaasi yurubta ee dadka badan kiisu u hayaamaayo.
Safarkii u horeeyay ee ay kaga soo baxday Carabta waxa ay ku timi dalka Turkiga muddo ka bacdina waxa ay usoo dhaaftay sida cadada ah dalka xiga ee Giriiga halkaasi oo ay kula kulan tay dhibatooyin aan yarayn ,iyada oo tiraba dhawr jeer ku hungawday sidii ay uga soo bixi lahayd ,inkastoo markii danbe Ilahay u fudaydiyay .
Dadka yaqanaa marka ay tilmaamayaan gabadhaasi waxa ay ku naanaysaan Wiilo, magacaasi oo ay ula jeedaan ,dareenka ay ka qateen kartida iyo hawl-karnimada dheeraadka ah ee ku jirta ,taasi oo la odhan karo waa mid ay ka dhaxashay walidkeed iyo waya-aragnimadii faraha badnayd ee ay soo aragtay intii ay noolayd.
Qaybtii 3-aad ee sheekada.
Kariima Ilahay qadarkii iyo dadaalkeedii faraha badnaa ee ay samaysay waxa ay kusoo gaadhay qaradii ay ku hamiyaysay ee Yurub gaar ahaan wadanka Sweden, madama aanay wadamadan yurubtu sida la moodaayo aanay ahayn,hadana Kariima waxa ay markiiba gashay Kamamka Qaxootiga laga diwaan galiyo ,Ilahay mahadi haka gaadhee waxa ay markiiba gacanta ku dhigtay sharcigii dalka Sweden .
Sida ay cadadu tahay waxa ay bilawday in ay barato Luqadii wadankan ay sharciga ka heshay ee loo yaqaano SFI (svenska för invandrare) waxbarashadaasi oo ay ku jirtay muddo dhan Laba sano ,iyada oo sidii loo baahna uga soo dhalaashay si fiicana ugu hadashay.
Madamaa qofkasta oo Somali ah oo wadamadan Yurub yimaadaa sharcina ka hela ay khasab ku tahay in ay taakule dhaqaale ay ka sugayaan qaraabo iyo ehelkii uu ka yimi ayaa Kariima lafteedu waxa aan caad ka asarayn in dadkii ehelka u ahaa ay ka wadankii kaga timi in ay waxtarkeeda dhawrayaan.