Nabi Isxaaq iyo Yacquub
Nabi Ibraahim Calayhi salaam markii uu da’ gaaray, xaaskiisa saarana ay da’da ka dabatimid, welina aanay caruur u dhalin nabi Ibraahim, ayaa Allaah ugu bishaareeyay in Saara ay dhali doonto wiil la yiraahdo Isxaaq.
Nabi Isxaaq cariurtii uu dhalay waxaa kamid ahaa Yacquub.
Nabi Yacquub waxa uu aabbe u ahaa 12 caruur ah, waxaa loo yaqaanaa magaca Israa’iil, iyo in uu yahay aabbaha reer bani israa’iil, Yuusuf iyo Binyaamiin ayaa isku hooyo ahaa, aabbahooda aad ayuu u jeclaa labadooda gaar ahaan Yuusuf oo la sheego in uu wiilasha kale ka jeclaa, maalin baa waxaa dhacday in Sheydaan uu xasad ku rido qalbiyada wiilashii la dhashay Yuusuf, waxayna go’aansadeen in ay ku ridaan ceel.
Nabi Yacquub aad ayuu uga murgooday in uu waayo wiilkiisa, muddo kaddib waxaa dib u midoobay Yacquub iyo Yuusuf oo boqor noqday waqtigaasi, waxayna ku noolaayeen nolol iska wanaagsan.
Geeridii Nabi Yacquub
Nabi Yacquub kolkii uu dareemay in uu macsalaamaynayo dunida ayuu isugu yeeray wiilashiisa oo uu ku yiri: Markaan geeriyoodo maxaad caabudi doontaan?
Waxay ku jawaabeen: Allahaaga iyo Allihii ay caabudi jiraan aabbayaashada oo ah Alle weyne Subxaanah watacaalaa ayaan caabudaynaa, isaga ayaana u hoggaansamaynaa.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?
- Waalidka in la adeeco amarkoodana la fuliyo waa waajib.
- In Alle la talosaarto oo aan la quusan ayaan ka baran Karnaa qisadani.
- In loo sabro imtixaanka adduun waxaa lagu helayaa darajo aakhiro.
- Dardaaran habboon waa in la siiyaa ubadka markasta.
Nabi Yuusuf
Nabi Ibraahim wiilashiisa waxaa kamid ahaa Ismaaciil oo ay ku abtirsadaan reer Qureysh, sidoo kale nabi Isxaaq waxa uu dhalay nabi Yacquub Calayhi salaam.
Nabi Yacquub waxa uu dhalay 12 caruur ah oo ay ugu yaryihiin Yuusuf iyo Binyaamiin oo nabi Yacquub aad u jeclaa, waxa uuna nabi Yacquub dareemi jiray in Yuusuf uu leeyahay Arrimo la yaab leh.
Maalin maalmaha kamid ah Yuusuf oo da’yar ahaa ayaa ku riyooday riyo weyn oo cajiib ah, waxa uu arkay in 11 meere, qorraxda iyo dayaxa ay isaga u suujadayaan.
Waxa uu riyadii u sheegay aabbihii Yacquub.
Yacquub oo gartay in riyadu ay tahay mid weyn ayaa wiilkiisa kula taliyey in uusan la wadaagin walaalihiisa, sababtuna waxay ahayd in Yacquub uu dareemaya in wiilasha kale ay xiqdi u qabeen.
Maalin waxaa dhacday in wiilashii ay shiraan, waxaa shirka joogay 10 wiil, waxaa maqnaa Yuusuf iyo walaalkiisa Binyaamiin oo iyaga loo tashanayay.
Shirka waxaa looga arrinsanayay sidii laga yeeli lahaa Yuusuf iyo Binyaamiin oo aad looga jecelyahay guriga.
Qaar baa soo jeediyay in la dilo Yuusuf ama lagu tuuro dhul fog oo aan laga yaabin in dib dambe loo arko.
Wiilka weyn ayaa soo jeediyay in aan la dilin Yuusuf oo lagu rido ceel si ay u qaataan dadka safraya ee ganacsatada ah, ra’yigaas ayaana la isla qaatay.
Wiilashiisa baa Yacquub ku yiri: Aabbe Yuusuf na raaci oo ha nala ciyaaro innaga ayaa ilaalinayna, waana ka oggolaaday nabi Yacquub isaga oo kula dardaarantay in ay daryeelaan walaalkooda oo ay ilaaliyaan.
Markii la soo baxay ayaa lagu riday Yuusuf ceelkii, waxaana halkii soo maray niman socoto ah oo ganacsi wata, kolkii ay wadaantii ku soo rideen ceelkii waxaa qabsaday nabi Yuusuf oo bannaanka loo soo saaray markiiba, nimankii waxay ku iibiyeen nabi Yuusuf lacag yar oo aan badnayn.
Walaalihii nabi Yuusuf waxay qaleen ri’ yar, waxayna dhiiggeeda marmariyeen khamiiskii nabi Yuusuf, waxay ku laabteen aabbahooda iyaga oo barooranaya, waxay u sheegeen in dhurwaa uu cunay wiilkiisa Yuusuf.
Nabi Yacquub baa isweydiiyay sababta uu waraabuhu u jeexi waayey Khamiiska nabi Yuusuf isagoona u caddaatay in wiilasha ay arrin kale ku dhaqaaqeen, waxa uu sheegay in uu sabrayo oo uu Alle talosaartay.
Nabi Yuusuf iyo Imtixaankii weynaa
Nabi Yuusuf waxa uu noqday addoon la iibsaday kolkii laga soo saaray ceelka, waxaa iibsaday wasiirka ugu weyn wasiiradda Masar.
Waxa uu wasiirkii la dardaarmay xaaskiisa oo uu u sheegay in ay xanaanayso wiilka yar laga yaabee in uu ubad u noqdo.
Nabi Yuusuf gurigaas ayuu ku weynaadey isaga oo ku jiray nolol iska roon, waxaase imtixaan noqotay xaaskii wasiirka oo caashaqday Yuusuf, waxayna isku dayday in ay naftiisa ka doonato, waxay qurxiday guriga iyo furaashyadii yaallay, waxayna xirtay albaabyadii guriga, waxayna ku amartay Yuusuf in uu dhankeeda u soo dhaqaaqo!
Nabi Yuusuf ayaa ku jawaabay: Ilaahey baan ka magan-galay in aan xumaan ku kaco, ilaahey baa xumaan ka nasahan.
Waxay isku dayday in ay xoog ku soo qabato Yuusuf ilaa ay jeexday Khamiiska isaguna uu ka cararayo oo leh: odaygaagu wuu i sharfay, oo wuu i karaameeyay, wuxuu igu aaminay reerkiisa, sidee baan u khiyaameeyaa.
Waxaa markiiba iridda soo istaagay wasiirkii oo uu la socday ina adeerka gabadha uu qabay, kolkaas ayay akhriday wixii been ahaa, waxay sheegtay in Yuusuf uu isku dayay in uu wax u dhimo sharafkeeda, Yuusuf ayaa isaguna isku difaacay in iyadu ay isku dayday in ay xumo samayso.
Ninkii ina adeerka gabadha ahaa baa soo jeediyay in la eego Khamiiska Yuusuf, haddii uu hore ka jeexmay ay gabadhu run sheegayso, haddii uu gadaal ka jeexmayna Yuusuf uu yahay ninka runta sheegaya.
Markii la arkay in Khamiiska uu gadaal ka jeexmay baa la ogaaday in gabadhu ay khaldantahay.
Nabi Yuusuf oo xabsi galay
Waxaa magaalada si xawli ah ugu faafay wark sheegaya in xaaska wasiirka ay damacday addoon yar oo gurigeeda jooga, haweeneydii wasiirka qabay oo la oran jiray Suleykha ayaa arrinkii ka warheshay waxayna go’aansatay in ay Haweenka kale martisoorto si ay u tusto quruxda Yuusuf.
Haweenkii la martisooray waxay aad u la yaabeen quruxda Yuusuf, waxay yiraahdeen: Kani bashar ma aha ee waa malag kariim ah. Islaantii boqorku qabay ayaa tiri haddii uu san amarkayga fulin xabsi ayaan dhigayaa.
Nabi Yuusuf baa yiri: Rabbiyoow xabsiga ayaa la ii qaatay intaan xumaan ku dhici lahaa, adduun iyo aakhirana aan halaagsami lahaa.
Nabi Yuusuf ayaa xabsiga la dhigay isaga oo aan waxba galabsan, waxa uu ahaa qof aad u cibaado badan.
Waxaa xabsiga kula jiray laba nin oo lagu soo eedeeyay in ay sumeyn rabeen boqorka, habeenka markii la seexday ayaa labadii nin mid kasta waxa uu arkay riyo uu la tacajubay, waxayna u sheegeen riyooyinkii nabi Yuusuf oo u fasiray labadii nin, mid kamid ah labada nin ayuu u tilmaamay in uu xabsiga ka bixi doono oo la saamixi doono, wuxuu ku yiri: Marka baxdo waxaad boqorka u sheegaa in uu jiro nin la dulmiyay oo Yuusuf la yiraahdo xabsigana dulmi ugu jira. Ninkii markii la sii daayay ayuu ilaaway Yuusuf, muddo sannado ah ayuuna xabsiga ku sii jiray nabi Yuusuf.
Muddo kaddib ninkii masar ka talinayay baa wuxuu yiri: Waxaan riyo ku arkayaa toddobo neef oo lo’ ah oo shilshilis oo ay cunayaan toddobo wayd ah, toddobo sabuul oo cagaaran iyo toddobo sabuul oo qallalan, madaxyaweyntan i agfadhidow iiga warrama riyadan haddaad wax ka garanaysaan fasiraadda riyooyinka.