[rank_math_breadcrumb]

qisadii Nabi Shuceyb

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Nabi Shuceyb
Allaah subxaanah watacaalaa Wuxuu reer Madyan u diray nabi Shucayb, Madyan waxay kamid ahayd qabiilada carbeed, waxay degganaayeen hareeraha Shaam, Waxay ahaayeen dad tiro badan, oo jir ahaan xoog badan, waxaa loo barakeeyay irsaaqada, iyo miraha, intii ay ku shukrin lahaayeen nimcooyinka Alle, waxay adeeceen sheydaanka, ku kufriyeen Allihii abuuray, waxay caabudi jireen geed weyn, haddana waxay khiyaamayn jireen beegga, iyo miisaanka, waxay cuni jireen xaaraanta.
Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu u soo diray nabi Shucayb calayhi salaam, wuxuuna nabi shucayb ugu yeeray in ay caabudaan Allaah oo kaliya, oo aysan u shariik yeelin, wuxuuna ka reebay inay caabudaan geedkaasi, wuxuu faray caddaalada, wuxuuna ka reebay dulmiga iyo fasahaadinta arlada, iyo khiyaamaynta beegga.
Dadkii sidaa loo wacdinayay waxaa la soo taagnaayeen hantideenna annaga ayaa iska leh, wixii aan doono ayaan ku samayn.
Waxay gudagaleen in ay ku jeesjeesaan nabi shucayb, isdguna markasta waxa uu xusuusin jiray nimcooyinka Alle.
Marar badan ayuu uga digay cadaabka Alle, oo waxa uu xusuusiyay wixii ku dhacay reer Huud, Thamuud, iyo reer Saalix, balse waa ay ku dhega-adaygeen hadalkaasi, waxayna bilaabeen in ay ugu hanjabaan nabi shucayb iyo intii rumaysay in ay degmada ka saari doonaan.
Allaah subxaanah watacaalaa waxa uu ku soo dejiyay cadaabkiisa kuwii diiday amarkiisa, kuna jeesjeesay nabigiisa.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?

  1. Allaah oo kaliya ayaa cibaado u sugnaatay.
  2. Fasahaadinta arlada, iyo khiyaamaynta beeca waxay keenaysaa halaag.
  3. Salaaddu waxay reebtaa xumaha, iyo munkarka.
  4. In dadka loo cadaalad falo waxay kamid tahay tilmaamaha mu’miniinta.

Nabi Ayuub
Nabi Ayuub Calayhi salaam waxa uu kamid ahaa nabiyadii reer bani israa’iil, waxa uu degganaa meel kamid ah Shaam, waxa uu ahaa nin hanti leh, oo caruur, beero, xoolo iyo dhul ballaaran loogu deeqay.
Waxa uu caawin jiray dadka danyarta ah ee tabaalaysan, waxa uuna ehelkiisa iyo dadka deegaankiisaba ugu yeeri jiray in ay caabudaan Allaah oo kaliya.
Nabi Ayuub CS waxa uu kamid ahaa nabiyadii imtixaanka badan soo maray, waxaa lagu ibtileeyay hantidiisa, iyo caruurtiisa oo dhamaatay, waxaa intaa u dheeraa in uu xanuunaaday, waxaa la sheegaa in uu xaaladdaasi ku jiray muddo ku siman 18 sanno.
Nabi Ayuub waxa uu baryay Alle weyne Subxaanah watacaalaa oo mas’uul ka ah kownkan iyo wixii saaran, ilaahey wuu ka ajiibay ducadiisa, waxaana u soo laabtay caafimaadka, hantida, sidoo kale xaaskiisa waxay u dhashay ubad tiro badan, Allaah waa uu u barakeeyay hantidiisa iyo caruurtiisa kaddib markii uu ka sabray imtixaankii haystay.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?

  1. Sabirku waxa uu kamid yahay tilmaamihii nabiyada.
  2. Adduun waxaa u wanaagsan xaas wanaagsan.
  3. Dadka waxaa ugu imtixaanka adag ambiyada.
  4. Farajka waxa uu yimaadaa shiddada kaddib.
  5. Ducadu waa cibaado.
  6. Waa muhiim in Alle loo mahdiyo kolka aad barwaaqaysantahay iyo kolka aad dhibaataysantahay.

Nabi Yuunus
Nabi Yuunus calayhi salaam waxa uu kamid ahaa nabiyadii bani israa’iil, Allaah ayaa u soo diray qowmkiisa oo degganaa tuulo lagu magacaabo Niinawaa oo ka tirsan mowsul- Ciraaq.
Qowmkiisa waxay ka badnaayeen boqol kun oo qof oo isugu jira rag, dumar, iyo caruurba, waxayna caabudi jireen sanamyo, meereyaal, iyo xiddigo,


Allaah ayaa u soo diray nabi Yuunus oo lagu yaqiinay run-sheeg, dhaqan wanaagsan, iyo sharaf uu ku dhex lahaa bulshada, waxa uu ugu yeeray in ay Allaah oo kaliya caabudaan, oo ay ka tagaan sanamyada iyo meerayaasha, wuxuu nabi Yuunus xusiisiyay nimcooyinka uu Allaah ku mannaystay, balse qowmkiisa waxay ku madax-adaygeen gaalnimada, waxayna bioaabeen inay ku jeesjeesaan nabi Yuunus, balse nabi Yuunus waxa uu uga digay carada iyo cadaabka Alle, sidaa oo ay tahay cid qowmkiisa kamid ah oo rumaysay baa iska yar.
Nabi Yuunus oo arrinkaas ka murugaysan ayaa ka tegay tuuladii kaddib markii uu ka quustay in qowmkiisa ay rumeeyaan.
Markii uu raacay doonni oo ay in yar socotay ayay bilowday in ay hirarkii is qabsadaan, nabi Yuunus waxaa lagu tuuray baddii waxaana markiiba liqay kalluun weyn, nabi Yuunus ayaa bilaabay in uu tasbiixsado isaga oo ku jira caloosha kalluunka, Alle SW waxa uu kalluunkii faray in uu sii fasaxo nabi Yuunus, Rabbi SW waxa uu nabi Yuunus u sheegay in uu ku laabto tuulladiisii oo uu dadka ugu yeero diinta, kolkii uu tegay ayay rumeeyeen, Eebbe weyne waxa uu ka qaaday wixii kurbo ahaa ee haystay wuxuuna ku galladaystay nimcooyin farabadan.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?

  1. In Alle lagu caasiyo waxay sabab u tahay cadaabka oo soo degdega.
  2. In Alle loo towbad keeno waxaa lagu feydaa cadaabka iyo kurbooyinka.
  3. Tasbiixda iyo istiqfaarta iyo ducadaba waxay faraj u furaan qofka dhibaataysan.
  4. Eebbe waxa uu leeyahay ciidamo kala duwan oo cir iyo dhulba leh, kalluunkuna wuxuu ku jiraa ciidankiisa.

Nabi Muuse iyo Haaruun
Nabi Yacquub cs markii uu galay masar isaga iyo caruurtiisa oo ay deegaan ku yeesheen, waxaa nabi Yacquub lagu naanaysay “israa’iil” .
Kaddib markii ay geeriyoodeen nabi Yacquub iyo caruurtiisa oo uu ku jiro nabi Yuusuf cs, waxaa batay tarantii israa’iil (Yacquub” waxaana duriyaddiisa loo bixiyay reer Bani israa’iil, yacnii tafiirtii ka farcamay nabi Yacquub, waxaa arrinkaasi cabsi geliyay Fircoon oo ahaa boqorkii masar waqtigaasi, wuxuu bilaabay in uu la wareego hantidooda, iyo in uu nolosha ku ciriiriyo.
Waxaa la sheegaa in Fircoon uu mar ku riyooday dab kasoo baxay shaam oo gubayay guryaha masar iyo qasrigiisa, oo haddana aan waxba gaarsiin guryaha reer bani israa’iil , faaliyeyaashii waxay u sheegeen in wiil reer bani israa’iil ah oo dhalan doono uu gacantiisa ku baabi’in doono boqortooyada Fircoon.
Fircoon wuxuu ammar ku bixiyay in la dilo wiil kasta oo reer bani israa’iil ah oo dhasha, ciidankii Fircoon ayaa bilaabay in ay dilaan ciyaalka la dhalo.
Fircoon ayaa Markale yiri: Haddii aynu layno dhammaan wiilasha reer bani israa’iil u dhasha, cid noo shaqaysa ayaa la waayi doonaa.
Waxaa loo soo jeediyay in sanad uu wax dilo, sanadka xigana la iska daayo.

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment