Nabi muuse oo masar ku soo laabtay
Nabi muuse calayhi salaam markii uu muddo ku sugnaa Madyan, waxa uu u xiisay reerkiisa, hooyadii, iyo walaalihiisa, kaddib markii uu ballankii u fuliyay odaygii waxa uu kasoo dhaqaajiyay nabi muuse magaalada Madyan, waxa uu soo kaxaystay xaaskiisa, waxa uuna dab ka arkay buurta Dhuur-siina, wuxuu xaaskiisa ku yiri: halkaas igu sii sug aan ka warkeenee dabkaasi, markii uu yimid halkaas waxaa looga dhawaaqay dhinaca dooxa midig ee iftiinka ka baxayay, waxaana lagu yiri: Muusow Anigu waxaan ahay rabbiga caalamiinta, Allaah subxaanah watacaalaa ayaa halkaas kula hadlay nabi muuse, waxaana loo diyaariyay in ummada loo diray, waxaa lagu yiri: usha aad sidato dhulka ku rid, kaddib ushii waxay isu beddashay abeeso, kolkaas ayuu nabi muuse baqay, waxaana lagu yiri: ha ka baqin aamin baad tahay, sidoo kale nabi muuse waxaa la tusay mucjiso labaad oo waxaa lagu yiri: gacntaad jeebkaaga geli, waxay soo baxaysaa iyadoo iftiimaysa.
Kaddib nabi muuse Calayhi salaam waxaa loo diray Fircoon iyo qowmkiisa in ay dacwada gaarsiiyaan, Markaas buu nabi muuse yiri: Rabbiyoow aniga qof ayaan ka dilay dadkaasi, waxaana ka baqayaa in ay i dilaan, walaalkay Haaruun ayaa iga iftahansan ee isagu i raaci si uu garab iyo gaashaan iigu noqdo.
Ilaahey ayaa ka aqbalay codsigii nabi muuse, waxaana lagu yiri: Waxaan cududdaada ku adkayn doonnaa walaalkaaga, waxaanu idin yeeli doonaa awood, ee aayadahayga ula taga, idinka iyo kuwa idin raacay ayaa guuleysan doona, waxaa kaloo lagu yiri Markaad Fircoon u tagtaan kula hadla hadal dabacsan
Nabi muuse oo hortagay Fircoon
Nabi muuse oo uu la socdo walaalkiisa Haaruun waxay u tageen Fircoon, waxayna ku yiraahdeen: Waxaan nahay Rusushii Allaah, ee reer bani israa’iil na raaci oo addoonsiga iyo ciqaabta ka dhaaf, waxaynu kuula nimid mucjiso xagga Rabbi ka socota, nabadgalyo dushiisa ha ahaato ciddii hanuunka raacda, ciddii Alle beenisa waxay dusheeda ahaan doontaa cadaab.
Fircoon baa la soo booday: Rabbigiinu waa kuma Muusow?
Rabbigeennu waa ilaaha wax walba siiya abuurkiisa ku munaasabka ahaa kaddibna jiheeya.
Fircoon baa yiri: Bal ummadihii hore arrinkooda ka warran? Oo maxaa lagu halaagay?
Kolkaasuu nabi muuse yiri: cilmigooda Alle xaggiisa ayuu jiraa oo lowxul maxfuudka ayay ku qorantahay.
Waa Allihii dhulka idinka dhigay gogol, wuxuu ka bixiyay dhulka waddooyin, xagga korena biyo ayuu kasoo dejiyay, oo waxaynu kasoo saarnay noocyo dhir ah oo kala baxsan.
Fircoon waxa uu yiri: Haddii uu hadalkaaga dhab yahay bal noo keen calaamad tusaysa dhab ahaanshaha hadalkaaga, nabi muuse waxa uu dhulka dhigay ushii, waxayna isu beddashay abeeso, haddana gacantiisa ayuu jeebka geliyay wuxuuna soo bixiyay iyadoo cad oo ifaysa.
Kaddib Fircoon waxa uu yiri: Muuse ma wuxuu isu beddalay sixiroole, oo iminka ma wuxuu doonayaa in uu magaalada nooga saaro sixirkiisa.
Fircoon oo nabi muuse la hadlaya ayaa yiri: Muusow maalinta aad rabto qabso, waxaan kuula iman doonaa wixii sixiroolayaal ah oo magaalada ku sugan, nabi muuse waxa uu la ballamay in maalinka ciidda la isu yimaado si dad badan ay u yimaadaan goobta, dadkii baa arla kasta ka wada yimid, si ay u daawadaan waxa dhexmari doona nabi muuse cs iyo sixiroolayaasha Fircoon.
Waxaa goobta yimid sixiroolayaashii Fircoon waxayna Fircoon ku yiraahdeen: Wax abaalgud ah miyaan leenahay haddaynu ka adkaano muuse?
Kolkaas ayuu Fircoon ku jawaabay: Haa, waxaad ka midnoqon doontaan kuwa iigu dhow.
Intaa kaddib sixiroolayaashii ayaa ku yiri nabi muuse: Ma adiga ayaa bilaabaya mise annaga?
Nabi muuse waxa uu ugu jawaabay: idinka ku hormara.
Kaddib sixiroolayaashii waxay goobta kusoo tuureen ulo, iyo xargo, goobtiina waxay isku beddashay meel ay buuxdhaafiyeen masas, iyo abeesooyin, Fircoon iyo qowmkiisa ayaa si weyn ugu farxay arrinkaas, nabi muuse Calayhi salaam waxa uu dareemay xoogaa cabsi ah, kaddib Allaah ayaa u waxyooday :Ha cabsan adiga ayaa gacanta sare leh, kaddib nabi muuse waxaa la faray in uu dhulka dhigo usha uu sitay, waxayna ushii isku beddashay abeeso weyn oo mid mid u cuntay ulihii iyo xargihii masaska ahaa ee sixiroolayaasha soo rideen, kaddib ushii ayuu si deggan u soo qabtay nabi muuse.
Halkaas waxaa sixiroolayaashii ugu caddaatay in muuse uu yahay nabi xagga Allaah laga soo diray, arrinkuna uu sixir ka weynyahay oo awoodda Rabbi ay meesha timid, waxaana wada sujuuday sixiroolayaashii oo yiri: waxaynu rumaynay Rabbiga caalamiinta.
Fircoon oo tallaabadaasi ka carooday ayaa ugu goodiyay in uu gacmaha iyo lugaha ka jari doono.
Fircoon oo badda lagu halaagay
Markii mucjisooyinkaas la tusay Fircoon ayuu ka madax-adaygay, Allaah waxa uu ku imtixaanay masar iyo dhulkii Fircoon ka talin jiray abaar, ayax, xasharaad kala duwan, iyo biyaha ay cabi jireen oo dhiig isku beddalay, markasta waxay dhihi jireen: Muusow dhibtaas Alle noo bari in uu naga qaado, waynu rumayn doonaaye, balse ma aysan rumayn, waxayna sii wateen gaalnimadooda.
Allaah Subxaanah watacaalaa ayaa nabi muuse u waxyooday in isaga iyo reer bani israa’iil ay ka baxaan masar, waxaana bixitaankooda ka warhelay Fircoon oo soo dabadhigtay, ilaa nabi muuse iyo reer bani israa’iil ay ka soo gaaraan badda qarkeeda, nabi muuse iyo qowmkiisa waxay dhexda u galeen badda iyo Fircoon, balse Allaah waxa uu ku amray nabi muuse in uu badda ul ku dhufto, waxaana ka dillaacay waddo weyn oo la mari karo, nabi muuse iyo qowmkiisa waxay ka gudbeen wadadii, Fircoon ayaa isaguna soo dabagalay, kolkii isaga iyo ciidankiisa ay soo galeen ayaa baddii isu timid oo sideedii ku soo noqotay.
Halkaas ayayna ku halaagsameen fircoon iyo qowmkiisa, nabi muuse iyo dadkii la socdayna ilaahey ayaa badbaadiyay.
Allaah Subxaanah watacaalaa markii uu halaagay Fircoon, waxa uu reebay jirkiisa si ay cibro ugu noqoto dadka kale.
Nabi muuse iyo reer bani israa’iil ayaa dhulkii u haray, waxaana la siiyay Towraat, nabi muuse iyo Nabi Haaruun waxay ku dadaaleen dacwada Alle, iyo in reer bani israa’iil ay caabudaan Allaah oo kaliya, nabi muuse oo ku maqan halkii waxyigu ku soo degi jiray reer bani israa’iil oo ku dhaafay Nabi Haaruun, ayaa waxaa yimid nin la yiraahdo Saamiri oo baadi iyo dembi ku riday dadkii, waxa uu sameeyay Ninkii shay qaab dibi leh, waxa uuna u sheegay reer bani israa’iil in dibigan uu yahay ilaahoodii iyo ilaaha muuse!
Nabi Haaruun ayaa marar badan waaniyay qowmka una sheegay in Allihii abuuray uu yahay kii badbaadiyay.
Nabi muuse markii uu yimid waxa uu la anfariiray waxay ku dhaqaaqeen qowmkiisa, wuxuuna gubay dibbigii, wuxuu ninkii saamiri ahaana ku habaaray in uu ummada ka dhexbaxo oo aan la taaban karin.
Nabi muuse calayhi salaam waxa uu soo xushay 70 nin si ay Alle ugu towbad keenaan.
Nabi muuse waxa uu muddo ugu yeerayay reer bani israa’iil in ay diinta soo galaan oo ay qaataan amarka Allaah.
Qisadii saca iyo reer bani israa’iil
Xilligii nabi muuse Calayhi salaam waxaa dhacday in nin hantiile ah oo reer bani israa’iil Kamid ah la dilay, waxaana lagu wareeray cidda dishay ninkan, Markaas bay reer bani israa’iil u tageen nabi muuse, nabi muuse cs ayaa Alle baryay si loo tuso ninkii dilka geystay, Allaah ayaa faray reer bani israa’iil in ay qalaan neef lo’ ah, reer bani israa’iil waxay ku warceliyeen: ma nagu jeesjeesaysaa Muusow?
Nabi muuse waxa uu yiri: ilaahey ayaan ka magangalay in aan jaahiliinta ka midnoqdo.
Reer Bani israa’iil arrinkii way isku adkeeyeen, waxaa loo diray lo’ uun balse waxay ku yiraahdeen nabi muuse: Muusow rabbi noo tuug si uu noogu caddeeyo tilmaanta sacaasi, waxaa loo sheegay in neefku uu yahay mid aan duq ahayn, oo aan yarayn labadaas ayay u dhaxaysaa , haddana waxay codsadeen in neefkaas midabkiisa loo sheego, waxaa loo sheegay in ay tahay sac boora ah, oo boornimadeedu darantahay, oo cajabisa kuwa eega, waxay markale soo celiyeen su’aal: Alle noo bari Muusow ha noo caddeeyo waxay tahay maxaa yeelay waxaa iskaga kaana shabahday lo’da hadduu Alle doonana waan ku hagaagaynaa.
Waxaa lagu yiri: waa neef lo’ ah oo aan laylanayn oo dhulka qoda, beertana ma waraabiso, waana mid aan ceeb lahayn midabkeeduna saafi yahay, Markaas bay soo heleen neefkii, waana la qalay, gabal ama waslad kamid ah neefka ayaa ka faray in lagu dhufto ninkii maydka ahaa, kaddib Allaah ayaa soo nooleeyay ninkii, waxaana lagu yiri: Yaa ku dilay hebelow?
Kolkaas ayuu sheegay ninkii dilay oo ahaa wiil uu adeer u ahaa, sidaas ayuu Alle u soo nooleeyaa dadka dhintay.
Nabi muuse iyo Khadir( خضر)