Nabi Ibraahim & Ismaaciil
Dadkii hore ee degganaa Baabil(ciraaq), jasiiradda carabta, iyo shaam waxay caabudi jireen sanamyada, meerayaasha I.W.M.
Nabi Ibraahim Calayhi salaam wuxuu kusoo barbaaray dhulkaasi, Allaah ayaa hanuuniyay, wuxuuna u doortay inuu noqdo rasuul iyo nabi.
Nabi Ibraahim wuxuu gudagalay inuu qowmkiisa ugu yeero inay caabudaan Allaah oo kaliya, oo ay ka tagaan sanamyada, iyo meerayaasha ay caabudayaan.
Wuxuu nabi Ibrahim isku dayay inuu xujada ku oogo qolada meerayaasha caabuda iyo sida ay u fekeraan, si ay u gartaan in hal ilaah oo kaliya oo ka jiro kawnkan, nabi Ibraahim wuxuu eegay samada, wuxuu arkay mid kamid ah meerayaasha, kolkaas buu yiri kani waa rabbigay, inyar kaddib meerihii wuu qarsoomay, kolkaas buu yiri kani ilaah ma aha,
Wuxuu markale arkay dayixii oo ifiyay mugdiga habeenka, kolkaasuu yiri waa kan rabbigay, haddana wuxuu yiri kani ilaah ma aha, waaberigii Waxaa soo baxday qorraxda, kolkaasuu nabi Ibraahim yiri: Waa kan rabbigay, qorraxda ayaa ka weyn kana iftiin badan dayaxa, iyo meerayaasha, intaasi wuxuu uga jeeday in uu tuso xujada ay ku andacoonayaan, fiidkii markii la gaaray qorraxdii ay gabbalkeeda dhacay, wayna qarsoontay.
Nabi Ibraahim Calayhi salaam wuxuu u sheegay kuwii caabudi jiray meerayaasha in Allaah uu yahay kan abuuray qorraxda, dayaxa, samadaha, iyo dhulka, sidoo kale Allaah subxaanah watacaalaa oo kaliya ayaa ah kan xaqa lagu caabudo, Alle ayaa ka weyn waxkasta, ma suulo, ma maqnaado, mana hurdo, sida ay ay u suusho dayaxa, u qarsoonto qorraxda, makhluuqaadkana u seexdaan.
Qowmkiisa ayaa la dooday si kasta ayuu isugu dayay inuu diinta ugu yeero, balse way ka madax adeegeen.
Burburintii sanamyada
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nabi Ibraahim wuxuu u tegay qowmkiisa oo caabudaya asnaamta kolkaasuu u naseexeeyay, oo uu ku yiri:
Waxa aad caabudaysaan waa maxay?
Waxay yiraahdeen: Waa ilaahyadeenna, iyo ilaahyada aabbayaasheen.
Oo ma waxbay arkaan, misana maqlaan?
Waxay ku warceliyeen: Waa ilaahyadeenna.
Nabi Ibraahim wuxuu yiri: Allaha rabbiga caalamiinta ayaa ah mid xaq lagu caabudo, Allihii i abuuray ayaa igu hanuuniya wixii wanaagayga ku jira if iyo aakhiro, isaga ayaa i quudiya, haddaan xanuunsado isaga ayaa caafimaad i siiya, isaga ayaa i oofsada markay ajashaydu timaado, isaga ayaa dib nolosha iigu soo celinaya markii la gaaro xisaabta, Alle ayaan ka rajaynayaa inuu dembigayga dhaafo maalinta qiyaame.
Dadkii sanamyada caabudi jiray waxay ku adkaysteen falka ay ku jiraan, nabi Ibraahim wuxuu ku talogalay in uu burburiyo asnaamtaasi.
Maalin ciid u ahayd dadkii reer Baabil waxay aadeen magaalada dhinacyadeeda, waxayna nabi Ibraahim ku yiraahdeen: na soo raac, nabi Ibraahim baa ka cudurdaartay oo yiri: Waan xanuunsanahay.
Dadkii baa firaaqeeyay magaalada waxayna noqotay meel aan cidina joogin, nabi Ibraahim baa u dhaadhacay halkii ay sanamyadu ku jireen, wuxuuna ku burburiyay faas, markii uu dhulka dhigay sanamyadii, wuxuu soo reebay midka ugu weyn, faaskii ayuuna qoorta u suray.
Dadkii ka maqana markii ay yimaadeen way la amakaageen wixii lagu sameeyay sanamyada, waxay la sii fajaceen markii ay arkeen sanamkii weynaa oo qura inuu joogo isaguna faaska qoorta loo suray.
Nin dadkii goobta yimid kamid ahaa baa si xanaaq leh ku qeyliyay: Yaa sidan ku sameeyay ilaahyadeenna, cidda sidan samaysay waa cid xadgudubtay, waxay soo xusuusteen nabi Ibraahim oo horay u ballanqaaday in uu burburin doono asnaamtooda, markii ay u yeereen waxay ku yiraahdeen: Ma adigaa ayaa sidan sameeyay ibraahiimow?
Wuxuu ku jawaabay: midkan weyn baa sameeyay, inta uu farta ugu fiiqay sanamka weyn, ee weydiiya hadday hadlayaan.
Dib bay ugu laabteen sanamyadii ma hadlaan,ma cunaan, mana cabaan, sidaa ay tahayna ma aysan rumayn.
Nabi Ibraahim oo dab lagu tuuray
Markii uu nabi Ibraahim burburiyay sanamyadii, una sheegay qowmkiisa in asnaamtu aysan wax tarin, waxna dhibin, waxay ku adkaysteen sanamyadooda, waxayna ku talogaleen in nabi Ibraahim lagu tuuro dab holcaya.
Waxay yiraahdaan: Ha la gubo, oo ilaahyadiina u gargaara.
Waxay soo uruuriyeen xaabo tiro badan, wayna huriyeen ilaa ay karkarto, kaddib waxay keeneen nabi Ibraahim oo xarig ku xirxiran, waxayna ku tuureen dabkii holcayay, isaguna wuxuu yiri: Xasbiyallaahu wa nicmal wakiil.
Allaah Subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday dabkii oo ku yiri: Dabkoow u noqo Ibraahim qabow iyo nabadgalyo, nabi Ibraahim wax dhib ah ma uusan arag, wuxuuna ahaa mid iska tasbiixsada ilaa dabkii uu damay, wuxuuna kasoo baxay isagoo badqaba, waxaa gubtay oo kaliya xargihii isaga lagu xiray.
Nabi Ibraahim waxaa rumeeyay uun xaaskiisa Saara, iyo wiilka walaalkii dhalay ee Luud.
Nabi Ibraahim cs iyo Namruud
Namruud waxa uu ahaa boqor daalim ah oo gaal ah, waxa uu sheegan jiray ilaahnimo, waxaa u tegay oo dacwaddii u la tegay Nabi Ibraahim oo u sheegay in uu jiro hal ilaah, waana Allihii abuuray kownkan, samadaha iyo dhulalka.
Namruud baa wuxuu yiri: Waa kuma Rabbigaaga ibraahimoow?
Wuxuu nabi Ibraahim ku jawaabay: Rabbigay waa kan wax nooleeya, waxna dila.
Namruud waxa uu yiri: Aniguba waxbaan dilaa oo nooleeyaa. Kolkaas ayuu Namruud u wacay laba nin oo xabsiga ugu jiray, wuxuuna ku yiri: Mid ha la dilo, kan kale ha la iska fasaxo..
Nabi Ibraahim oo la yaaban caqliga yarida ninkan, waxa uu ku yiri : Ilaahey cadceedda ayuu bari kasoo bixiyaa, ee adigu galbeed ma ka keeni kartaa? Kolkaas ayuu wareeray Namruud, wax uu ku hadlo ayuu garan waayay.
Nabi Ibraahim oo ay la socoto xaaskiisa Saara waxay u soo ambabaxeen Masar si ay dadka ugu yeeraan xagga Alle. Masar waxaa xilligaa ka talinayay boqor damac badan oo xoog ku qabsada hablaha qurxoon, waxa uu isku dayay in uu ku soo dhowaado Saara oo ahayd xaaskii nabi Ibraahim, balse wuu ku dhici waayey aad ayuuna u baqay, waxa uu soo siiyay haddiyado farabadan iyo gabar Jaariyad ah oo la yiraahdo Haajar.
Nabi Ibraahim iyo sowjadiisa waxay kusoo laabteen Shaam, waqtigaasina Saara waxba umay dhalin nabi Ibraahim, waxay u hadyaysay Haajara si uu u guursado oo ay u dhasho durriyad, waqti badan kama soo wareegan Haajar waxay dhashay nabi ismaaciil Calayhi salaam.
Nabi Ibraahim oo loo bishaareeyay
Maalin maalmaha kamid ah waxaa nabi Ibraahim u yimid rag aad u labisan oo qurux loo dhammaystiray.
Nabi Ibraahim kolkii uu arkay martida u timid ayuu u keenay dibi buuran oo hilibkiisa la solay si ay u cunaan, waxaase layaab noqtay in raggii mid iyaga kamid ah uusan gacantiisa u soo dhiibin cuntada.
Nabi Ibraahim markii uu arkay arrinkaasi waxaa gashay cabsi, waxay raggii u sheegeen in ay yihiin Malaa’ig loo soo diray in ay soo halaagaan qowmkii Nabi Luud, Saara oo hadalkii dhagaysanaysa waxaa lagu yiri: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa Wiil inaad dhasho, kolkaasay tiri: Aniga oo da’dan ah oo aan dhalin, odayguna duqoobay miyaan ilmo dhalaynaa?
Waxay malaa’igtii u sheegeen in ay bishaaradaasi xaq tahay oo xagga Allena ay ka socoto.
Saara waxay dhashay Isxaaq, nabi Ibraahim aad ayuu ugu farxay arrinkaasi.
Nabi Ibraahim waxa uu soo raray Haajar iyo wiilkeeda ismaaciil, isaga oo keenay meel aan biyo iyo baad toona lahayn, wuxuuna u sheegay in Allaah uu amray arrinkaasi, Haajar waxay tiri: Haddii uu Alle ku amray nama hoojinayo Alle weyne, nabi Ibraahim waa uu dhaqaajiyay.
Biyihii baa ka dhammaaday reerkii, xaaladdii way kasii dartay, Ismaaciil oo gaajo iyo harraad la ooynaya ayay garan weyday meel ay u la kacdo.
Alle weyne mucjisadiisu badanaa! Waxaa goobtii ka dilaacay meel biyo ka socdaan, Haajar ayaa tiri: Zam, Zam iyada oo ka baqaysa in biyaha ay ka dhammaadaan.
Muddo kaddib waxaa goobtii soo maray reer Geeddi ah oo biyo doon ahaa, waxay Haajar ka codsadeen in ay la soo degaan goobta wayna u oggolaatay.
Maalin maalmaha kamid ah nabi Ibraahim waxa uu soo booqday reerkii oo muddo ugu dambaysay, waxa uu arkay Ismaaciil oo weynaadey, si weyn ayuu ugu farxay arrinkaasi.
Nabi Ibraahim ayaa mar ku riyooday isaga oo qalaya wiilkiisa ismaaciil oo uu dhalay isaga oo da’ ah, riyada ambiyada waa xaq iyo waxyi xagga Alle ka yimid, nabi Ibraahim waxa uu u hoggaansamay amarkii Rabbi, wuxuuna u sheegay wiilkiisa in la faray in uu qalo! Nabi ismaaciil ayaa aqbalay amarkii waalidkii, inta uusan birta la fuulin nabi Ibraahim waxaa laga la hadlay xagga Alle oo loo sheegay in uu ka dhabeeyay riyada, arrinkuna uu ahaa imtixaan uu Alle imtixaanay nabigiisa.
Nabi Ibraahim waxa uu arkay wan weyn oo loogu beddelay ismaaciil, aad bay u farxeen qoyskii nabi Ibraahim.
Dhisidda kacbada
Allaah Subxaanah watacaalaa Wuxuu u waxyooday nabi Ibraahim iyo wiilkiisa in ay dhisaan beytka Alle, waxay bilaabeen dhismaha iyaga oo ku ducaysanaya Rabbiyoow naga aqbal acmaasha wanaagsan, oo naga yeel kuwo adiga kuu hoggaansama oo ikhlaas la yimaada.
Markii ay dhiseen waxa nabi Ibraahim la faray in uu dadka ugu yeero xajka, wixii dad ah ee maqlay yeermadiisa waxay u yimaadeen xajka, ilaa maanta waa lq xajiyaa oo baytka Alle waa la yimaadaa.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?
- Waa waajib in la adeeco Allaah oo amarkiisana la fuliyo, wax kastana loo huro.
- In caruurta lagu rabbeeyo in ay maqlaan hadalka waalidkooda.
- Sabarku waa furaha farajka.
- Hooyadu kaalin ayay ku leedahay tarbiyeynta caruurta.
- Qoyska muslimka ah wuxuu iska kaashadaa wanaagga.
- Qaddarinta iyo ixtiraamka waa astaan nabiyadu ay lahaayeen.
- Ilaahey sw waxa uu nabiyadiisa la soo diraa mucjisooyin.