[rank_math_breadcrumb]

qisadii nabi daawuud

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Geeridii Nabi Muuse Cs kaddib_ reer Bani israa’iil waxay u tageen nabigooda, waxayna ka dalbadeen in uu Alle u baryo si loogu soo saaro boqor ay la dagaal galaan si ay u xorraystaan deegaankoodii laga soo saaray.
Nabigii ayaa u sheegay in ilaahey u dooray Daaluut in uu boqor u noqdo iyaga, balse reer Bani israa’iil ayaa arrinkii ka biyo diiday oo waxay yiraahdeen: Sidee bay suuragal ku tahay in Daaluut boqor loogu doorto innaga oo kaga xaq badan boqornimo, hantina kaga habboon.
Waxaase loo sheegay in Daaluut uu Alle doortay oo uu kaga fadilay aqoon, jir, maskax iyo garaad dheerina ay la jirto, hoggaaminta iyo hawlaha dagaalkana uu ku fiicanyahay.
Daaluut ayaa sameeyay diyaargarowgii ugu dambeeyay si uu u waajaho madaxyaweyntii iyo raggii xoogga badnaa ee uu dagaalka kala dhaxeeyay.
Daaluut oo ay la socdaan ciidamo aad u badan ayaa u soo dhaqaaqay goobtii dagaalka, markii la isu gacan-qaaday waxaa meesha kasoo muuqday nin dhallinyaro ah oo dagaalka ku jira waa Nabi Daawuud Cs, waqti aan sidaa u fogayn ayuu ku dilay Nabi Daawuud ninkii Jaaluut ahaa oo hoggaaminayay colkii iyaga kasoo horjeeday, aad baa loogu ammaanay arrintaasi Nabi Daawuud.
Daawuud boqor iyo nabi


Kolkii Nabi Daawuud uu dilay Jaaluut, waxaa la sheegaa in uu guursaday gabadh uu dhalay boqor Daaluut oo ugu dambayn uu ka dhaxlay boqortooyada, reer Bani israa’iil aad ayay u jeclaadeen Daawuud, Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu ku soo dejiyay kitaabka Towraat, waxa uuna noqday Nabi iyo Boqor.
Buuraha iyo shimbiraha ayaa la tasbiixsan jiray
Nabi Daawuud CS waxa uu ahaa mid u tasbiixsada u na xamdiya Rabbi SW, markasta oo uu tasbiixsado waxaa soo dul-istaagi jiray shimbiraha oo la tasbiixsan jiray, sidoo kale buuraha ayaa la tasbiixsan jiray habeen iyo dharaar.
Nabi Daawuud CS- waxa uu ahaa qof aad u cibaadaysta, maalin isagoo ku tukanaya mixraabka waxaa u soo galay laba nin oo murmaya, markii uu dooddooda u kuur galay ayuu mid u xukmiyay, kolkaas ayuu dareemay in uu fududaaday, Alle intuu baryay ayuu dembidhaaf weydiistay, Alle na wuu u dembidhaafay.
Nabi Daawuud wuxuu ahaa nin salaad badan, soonkana aad ugu wacan, waxaa lagu sifeeyay mid sabir badan, oo towbad badan.
Nabi Muxammad NNKH waxa uu noo sheegay in soonka Nabi Daawuud uu yahay midka loogu jeclahay xagga Alle, maalin ayuu soomi jiray, maalinta kalena wuu iska afuri jiray, sidoo kale Qiyaamu leylka Daawuud in uu yahay kan loogu jecel yahay xagga Alle, wuxuuna cuni jiray wixii muruqiisa uu ku kasbado.
Wuxuu reer bani israa’iil dhexjoogay in muddo ah, markii uu geeriyooday waxaa ka dambeeyay wiilkiisa Suleymaan oo Alle ka dhigay Nabi.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?

  1. Qofka mu’minka ah wuxuu kalsooni ku qabaa Alle weyne Subxaanah watacaalaa.
  2. Boqornimada Alle ayaa bixiya.
  3. Kooxda yar ee mu’miniinta ah waa ay ka adkaan karaan in badan oo gaalo ah , haddii ay Alle talosaartaan.
  4. Soonka ugu wanaagsan waa kan Daawuud, qiyaamkana waxaa u fadli badan kii Daawuud.

Nabi Suleymaan
Nabi Suleymaan Calayhi salaam- waxa uu kamid ahaa nabiyadii loo soo diray reer bani israa’iil, waxa uu talada la wareegay kaddib geeridii aabbihii, waxa uu ahaa hoggaamiye caadil ah, oo dadka u siman, Allaah Subxaanah watacaalaa ayaa ka ajiibay ducadiisa ahayd in la siiyo boqortooyo aan waligeed la arag dib dambena loo arki doonin nooceeda, waxaa loo sakhiray dabaysha oo halkii uu doono u qaada, waxaa kaloo loo sakhiray jinka, shayaadiinta kuwo badaha quusta, iyo kuwo guryo dhisa, shimbiro ayaa loo sakhiray sidoo kale.
Nabi Suleymaan iyo Quraanjadii
Nabi Suleymaan Calayhi salaam waxaa la baray afka shimbiraha, quraanjada, iyo xayawaanaadka in kamid ah.
Maalin isaga oo ay diyaar u yihiin ciidan xooggan oo isugu jira Jin, Insi, Xayawaanaad, Iyo shimbiro, isaguna uu hoggaan u yahay ciidankaasi ayuu maqlay cod hoose oo leh: Bah quraanjooy gurihiinna ku xarooda; yaanu Suleymaan iyo ciidankiisa cagta idin marin iyagoo warmoog ah, Nabi Suleymaan oo hadalkaas maqlay ayaa dhoolacadeeyay, gacihiisa ayuu kor u taagay, wuxuuna Allaah uga mahadnaqay nimcooyinka isaga iyo waalidkiisa lagu mannaystay, wuxuuna Alle ka baryay in uu ku daro addoomadiisa wanaagsan.
Nabi Suleymaan iyo Hud-Hudkii
Shimbirka Hud-Hud la yiraahdo waxa uu nabi Suleymaan ka garab siin jiray in uu u tilmaamo meeshii biyo ay ku jiraan, maalin ayuu nabi Suleymaan baadi-goobay shimbirkii waase uu waayay, aad buu uga carooday arrinkaas nabi Suleymaan, wuxuuna ballan ku galay in uu ciqaab daran marsiin doono haddii shimbirkaasi aanu war fiican la imaan.
Hud-Hudkii baa yimid isagoo nabi Suleymaan u sheegay in uu u sido war culus oo uu u baahanyahay;
Hud-Hudkii oo hadalkii bilaabay ayaa yiri: Waxaan soo helay oo aan war kaaga sidaa boqortooyo la dhaho Saba’ (Yemen ayay ka jirtay ) oo haweeneyda u talisa aad looga dambeeyo, sariir aad u weyn oo qurxoon ayay leedahay haweeneydaasi, waxaan soo arkay in haweeneyda iyo qowmkeedaba ay u sujuudaan qorraxda halkii ay Alle caabudi lahaayeen, Sheydaan baa u qurxiyay camalkaasi xunna.
Nabi Suleymaan oo si fiican u dhugtay hadalkii ayaa yiri: Waan eegi haddii warkaag uu run yahay iyo haddii kaleba, waxaa Hud-Hudkii loo dhiibay farriin loo diray boqoraddii Saba’ ee Balqiis.
Hud-Hudka markii uu qaaday farriintii ayuu dhigay boqorad Balqiis horteeda, markii boqoradda aragtay farriinta waa ay furtay, wayna akhriday wixii ku qornaa, waxayna shir degdeg ah isugu yeertay wasiiradeedda si looga arrinsado arrinkan soo kordhay, waxay ku tiri wasiiradii:
Waxaa la igu soo tuuray qoraal wanaagsan, waxaa soo diray Suleymaan, wuxuuna ku bilaabay magaca Alle, wuxuu kaloo yiri: ha igu kibrina, ii imaada idinkoo Alle u hoggansan, markaasay ku tiri dadkii: dadkiinan madaxda ahow arrinkayga iiga jawaaba, Anigu talo goosan maayo jeer aad goobjoog u noqotaan.
Markaasay yiraahdeen: Annagu waxaan nahay dad awood badan oo balaayo u saaxiib ah, taladuna waa xaggaaga ee ka fiirso waxaad na fari lahayd.
Kolkaasay tiri: Dadka madaxda ahi hadday magaalo soo galaan way dabarogaan oo aafeeyaan, cagtana way mariyaan , dadkeeda sharafta lehna waxay ka dhigaan kuwo dullaysan, sidaasay sameeyaan.
Balqiis waxay isku dayday in ay tijaabiso Nabi Suleymaan oo ay u dirto haddiyad, ninkii haddiyada loo dhiibay kolkii uu u tegay Nabi Suleymaan ayaa lagu yiri:
Ma waxaad ii keenteen xoolo, wixii ilaahey i siiyay baa ka kheyr badan, haddiyadiina ayaadba ku faraxsantihiin, war haddaba u la noqo oo qaad, waxaannu keeni doonaan ciidan aan la horjoogsan karin, waannu ka saari doonaa iyagoo dullaysan.
Balqiis waa ay garatay in dad fudud aysan ahayn dadkaasi, waxayna go’aansatay in ay iyadu u tagto.

Cifriitkii muxuu yiri?
Nabi Suleymaan markii uu ogaaday in ay soo socoto boqoradda Saba’ iyo qowmkeeda wuxuu ciidankiisa weydiiyay ciddii keeni lahayd sariirta boqoradda, kolkaas baa Jin xoog badan/cifriit wuxuu yiri: Aniga ayaa kuu keenaya sariirta inta aadan ka kicin goobta aad fadhido, keenisteeda awood baan u leeyahay waana la igu aamini karaa.
Nin cilmi u lahaa kitaabka ilaahey baa isna yiri: Anaa cirshigaas/sariirta kuu keeni inta aannu isha hoos u soo celin, markii uu arkay nabi Suleymaan sariirii oo dhiniciisa taalla waxa uu yiri: Kani waa dheeraadkii ilaahey na siiyay si uu u imtixaano miyaan ku shukrin mise waan dafiri, kan mahadnaqa naftiisa uun buu u mahadnaqay, kan dafira nimcada Eebbe, Alle waa mid kaaftoon oo deeq badan.
Nabi Suleymaan waxa uu yiri: Wax ka baddala sariirtan aan eegno in ay garato iyo in kale, kolkii ay timid baa la weydiiyay in sariirteeda ay tahay sidan oo kale, kolkaasay ku jawaabtay waaba isagii oo isaga ah, waxaa la gartay in ay tahay qof feker dheer leh, kaddib nabi Suleymaan wuxuu ugu yeeray in ay Alle rumayso, qorraxdana ay kamid tahay makhluuqaadka ilaahey, kolkaas ayay rumaysay Balqiis, Alle na u hoggansantay.
Geeridii Nabi Suleymaan
Maalin maalmaha kamid ah nabi Suleymaan waxa uu jinkii faray in ay dhisaan dhisme aad u weyn, Nabi Suleymaan oo ku tiirsan ushiisa ayaa mixraabka fariistay, isaga oo sidaa ah ayay naftu ka baxday, jinku har iyo habeen waa ay shaqaynayeen mana ogayn in uu nabi Suleymaan geeriyooday, ilaa arkeen ushiisa oo aboor cunay.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani ?

  1. Allaah ninkuu doono ayuu boqor ka dhigaa.
  2. Makhluuqaadka oo idil Alle ayay u tasbiixsadaan.
  3. Makhluuq kasta oo kownkan ku sugan kaalin buu ku leeyahy nolosha sida Hud-Hudka oo kale.
  4. In dadka diin loogu yeero qof kasta ayaa laga rabaa.
  5. Jinku waxaa abuuray Allaah, kamana xoog badna khaaliqii abuuray.
  6. Jinku waxyaabaha qarsoon ma yaqaanaan, hadday war u hayn lahaayeen waxay ogaan lahaayeen geerida nabi Suleymaan oo hawshaa adag kuma jireen.
  7. Imtixaanka waxa uu noqon karaa hanti ama nicmo qofka la siiyey.

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment