Allaah subxaanah watacaalaa markii uu doonay in uu abuuro Aadam ayaa waxa uu malaa’igtii ku yiri: Waxaan arlada u samayn khaliif amarkayga fuliya(Aadan), malaa’igta ayaa arrinkaa la yaab ka muujiyay, waxayna yiraahdeen: Ma waxaad samaynaysaa kuwo arlada fasahaadiya oo dhiig ku daadiya innagoo kuu tasbiixsana, Eebbe weyne waxa uu yiri: Wax aadan idinku ogayn baan ogahay.
Kaddib ciidda qaybaheeda kala duwan(madow, casaan, caddaan, I.w.m) waxa uu ka abuuray nabi Aadam Calayhi salaam, nabi Aadam waxaa laga abuuray dhoobo, dhererkiisuna wuxuu gaarayay ilaa 60 dhudhun.
Ibliis waxa uu kamid ahaa jinka, waxaana laga abuuray dab.
Nabi Aadam markii lagu afuufay ruuxda waxaa uu Allaah SW faray in uu u tago malaa’igta oo uu soo salaamo, kolkii uu u tegay malaa’igta waxa uu ku yiri: Assalaamu calaykum; kolkaas bay ku yiraahdeen: Wa calayka salaam waraxmatullaah, kaddib nabi Aadan wuxuu u soo laabtay Rabbi , waxaana loo sheegay in salaantaasi ay tahay salaantiisa iyo tan ummadiisa.
Kaddib nabi Aadan waxaa la baray magacyada waxyaabo badan, Sida geedaha, Dhagaxaanta, qorraxda, dayaxa, xiddigaha, I.w.m.
Eebbe weyne waxa uu malaa’igtii weydiiyay in ay sheegaan magacyada waxyaabo uu weydiiyay, markaasay malaa’igtii ku jawaabeen Rabbiyow Wax cilmi ah ma lihin annagu wixii aad na bartay mooyaane, kolkaas baa Alle SW amray Aadan in uu u sheego malaa’igta.
Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu faray malaa’igta in ay u sujuudaan ( Salaan) waxaase diiday salaanta kii Ibliis ahaa oo amarkii Rabbi iska kibriyay, Ibliis waxaa la weydiiyay sababta uu diiday amarka Allaah, wuxuuna ku jawaabay: Aniga ayaa ka fiican Aadan oo Aniga waxaa la iga abuuray dab aadanna waxaa laga uumay dhoobo! Xaasidnimada ibliis uu u qabo Aadam iyo dhashiisa xilligaas bay soo bilaabatay.
Allaah SW waxa uu u maray ibliis in uu ka hoobto samada iyo jannadaba, waxaana lagu daray kuwa la erhttps://ismailhaldoor.com/yay
Ibliis waxaa laga soo eryay jannada, naxriista Eebbe na waa laga fogeeyay, ilaahey wuxuu ku magacaabay; Sheydaan, Daaquut, kii la fogeeyay, kii la lacnaday, waxaana loogu goodiyay isaga iyo kuwa raaca in ay ku waari doonaan naarta Jahannama (Eebbe ha naga xijaabo).
Nabi Aadam oo Wehel jannada ka helay
Nabi Aadam muddo markii uu joogay oo uu dareemay kellinimo, ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu seexday hurdo dheer, Eebbe weyne wuxuu doonay in uu abuuro Xawa si ay u wehliso Aadan, markii uu Aadan soo toosay wuxuu arkay haweeney qurux badan, way cajabisay, wuxuuna u muujiyay naxriis iyo daryeel.
Nabi Aadam iyo Xawa si wadajir ah ayay jannada ugu lugeynayeen u na cuni jireen miraha jannada, Allaah Subxaanah watacaalaa oo uga digaya Aadan cadaawadda Ibliis waxa uu ku yiri: Aadamoow Ninkaa Ibliis ahi wuxuu cadow ku yahay adiga iyo xaaskaaga ee yaanu jannada idinka saarin oo aanad dhibtoon, intaad jannada ku jirtaan ma harraadaysaan, mana gaajoon doontaan.
Shirqoolkii Ibliis
Ibliis markii jannada laga eryay wuxuu isku dayayay in uu soo dhuunto, balse ma awoodin in uu soo galo.
Eebbe weyne oo la hadlaya Xaawo iyo Aadam waxa uu yiri: Aadamoow adiga iyo xaaskaaga dega Jannada kana cuna cunno shifo iyo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhowaanina geeddan oo Markaas aad ka midnoqotaan daalimiinta.
Ibliis oo markii horeba ka hinaasay Aadam, ayaa kolkii isaga sababtiisa Jannada looga soo saaray wuxuu u sii qaaday cuqdad iyo cadaawad tii ugu dambaysay, wuxuu bilaabay in uu waswaasiyo Aadam iyo Xaawa si ay u cunaan geedkaas laga xaarantinimeeyay, Ibliis wuxuu ugu dhaartay haddii ay geedkaas cunaan in ay noqon doonaan Aadam iyo Xaawa laba malag islamarkaana ay ka mid noqon doonaan kuwa la siiya waaritaan, wuxuuna u raaciyay Ibliis in uu la talinayo labadooda.
Aadam iyo Xaawa ayaa rumaystay arrinkaas oo judhiiba cunay geedkii loo diiddanaa, waxayna dareemeen in ay Alle caasiyeen, aad bay uga shallaayeen oo waxay dembidhaaf weydiisteen Allaah SW.
Aadam iyo Xaawa waxaa lagu amray in ay u daataan dhulka.
Dhulkii baa la yimid
Aadam iyo Xaawa markii ay dhulka yimaadeen waxay bilaabeen in ay cunto raadsadaan, Nabi Aadam waxa uu yaqaanay wax beerashada, wuxuuna gudagalay in uu cuntadiisa soo saarto.
Allaah Subxaanah watacaalaa waxa uu faray in arlada la camiro oo la dego, waxaa sidoo kale soo kordhay caruur ay dhaleen Nabi Aadam iyo Xaawa, halkii mar waxay dhalaysay mataano laba ilmood wiil iyo gabar ah, markii ay koreen waxaa la faray in wiil kasta loo guuriyay gabar aan caloosha wadaagin, ma bannaanayn in wiil iyo gabar mataano ah la isu guuriyo.
Haabiil iyo Qaabiil
Hooyadeen Xaawa uurkii koowaad waxay sidday wiil la oran jiray Qaabiil iyo gabar Kaliima la dhihi jiray.
Markii xigay waxay sidday laba ilmood oo la kala oran jiray Haabiil iyo Walaashiisa Labuuda.
Qaabiil wuxuu ka shaqayn jiray beer, Haabiilna wuxuu dhaqan jiray xoolaha, waxayna saacidi jireen labaduba waalidkooda, waxaa la gaaray xilligii labada nin midba kan kale uu la aqalgali lahaa gabadha walaalkiisa la maatanta ahayd, xilligaasi ma jirin insaan kale oo is guursada, nabi Aadam durriyaddiisa si ay u sii fiddo wuxuu faray guurka, iyo cibaadada.
Nabi Aadam baa yiri: Qaabiil wuxuu guursanayaa Labuuda, Haabiilna waa in uu guursadaa Kaliima oo la sheego in ay aad u qurxoonayd.
Qaabiil ayaa arrinkii ka xanaaqay oo yiri: Kaliima aniga ayay ila dhalatay, aniga ayaana guursanaya, nabi Aadam baa u sheegay in aysan u bannaanayn arrinkaas, balse Ibliis oo cadaawad u qaba Aadam ayaa u soo xaluushay dhashii Aadam, Haabiil iyo Qaabiil waxaa la faray in midba uu la yimaado Qurbaan oo ugu dhowaanayo Alle si loogu kala baxo arrinkan, ninkii qurbaankiisa la aqbalo ayaa guursanaya Kaliima.
Qaabiil waxa uu la yimid in yar oo uu beerta kasoo gurtay, halka Haabiil uu la shirtegay wan aad u weyn oo buuran, qurbaanka waxaa lagu aqbali jiray in dab uu samada ka yimaado oo uu wixii la keenay mid uun uu ka qaado. dabkii samada ka yimid wuxuu abbaaray wankii uu Haabiil la yimid.
Qaabiil ayaa ka hinaasay arrinkaa oo aad uga xumaaday.
Qaabiil oo dilay Haabiil
Sheydaan ayaa si weyn u waswaasiyay Qaabiil, wuxuuna maskaxdiisa ku riday in uu dilo walaalkiisa.
Haabiil oo shaqadiisa u socda ayaa Qaabiil oo dhagax weyn wata soo dabakacay, markii uu u soo dhawaaday ayuu ku dhuftay, halkaas ayuuna ku dhintay Haabiil, Sheydaan ayaa qosol la dhacay sidii uu ugu guuleystay qorshihiisana la dhoolacadeeyay.
Nabi Aadam ayaa aad uga murgooday arrinkaas uu ku kacay Qaabiil.
Tuke cashar siinaya Qaabiil
Kaddib markii Qaabiil uu dilay walaalkii Haabiil, wuxuu in muddo ah dultaagnaa meydkiisa, wuxuu garan waayey sida uu ka yeeli doono, kaddib dhabarkiisa ayaa iska saartay oo uu ku xambaaray, isagoo xaaladdaasi ku sugan Qaabiil waxa uu arkay laba tuke oo is dilaya, mid baa dhintay oo dhulka ku dhacay, tukihii wax dilay baa bilaabay in uu god qodo, kolkii uu qodayna wuxuu ku riday tukihii uu isagu sababsaday, Qaabiil ayaa isagiina bilaabay in uu god qodo oo uu ku aaso Haabiil, kaddibna ciid oo dusha kaga daboolo isagoo qoomamaynaya baa wuxuu yiri Qaabiil: Ma waxaan ka caajisay wax uu tukahan sameeyay.
Nabi Aadam Calayhi salaam wuxuu sii noolaaday muddo dheer, awlaad badanna way u dhasheen, isaguna wuxuu barayey shareecada iyo diinta Alle, wuxuuna uga digayey shirkiga, shirqoolka, iyo dhagarta shaydaanka.
Geeridii Nabi Aadam
Nabi Aadam Calayhi salaam oo da’diisu sii badatay baa isagoo maalin xanuunsanaya malaa’igta u timid, kolkaas ayay ruuxda(nafta) ka qaadeen, oo way dhaqeen, carfiyeen, kafaniyeen , kaddib inta ay ku tukadeen ayay xabaasha ku aaseen, kaddib waxay dhashiisii ku yiraahdeen: Ina aadam waa tan sunnadiina aad mari lahaydeen.
Inta badan waa la isku khilaafaa halka uu ku aasan yahay nabi Aadam, waxaa inta badan la sheegaa in uu ku aasan yahay buurta uu ku soo degay oo ku taallaa Hindiya, Ilaahey baa og meesha nabi Aadam iyo Xaawa ay ku aasan yihiin.
Maxaynu ka baran karnaa qisada?
- Nabi Aadam waa aabbaha basharka oo idil.
- Sheydaanku waa cadowga insaanka.
- Macsiyada ayaa sabab u ah carrada Alle.
- Insaanka waxaa lagu magacaabay insaan, sababtoo ah waxbuu ilaawaa. 5. Waalidiinta oo la adeeco waxay sabab u tahay raali ahaanshaha Allaah.
- Nabiyada oo idil waxay la yimaadeen islaam.
- Insaanka waxaa loo abuuray cibaado.
- Sheydaanka wuxuu ku dadaalaa in uu xumaan lugaha kuu geliyo.
- Alle wuu jecel yahay qofka mu’minka ah ee isaga dartii wax u la baxa.
- Qofkii ugu horreeyay ee dil bilaaba wuxuu ahaa Qaabiil.
- Qofkii ugu horreeyay ee arlada lagu dilay wuxuu ahaa Haabiil.