[rank_math_breadcrumb]

Qisadii Malaayiinta kaga oohisey Qays iyo Leyla 🥹🫀 … ” PART 1 ONE ” ..

By ISMAIL Mohamed

Published on:


Qisadii Malaayiinta kaga oohisey Qays iyo Leyla 🥹🫀 … ” PART 1 ONE ” ..

qisadani waatii ugu layaabka badnayn ee dunida kadhacday , malaayiin mucaashaqiina ayay kaga oohisey qays iyo leyla buuraha iyo badaha iyo webiyaduba waaka markhaati jacaylkooda , waxay dhacday qisadani xilligi boqorkii cabdil malik binu marwaan ee dawladdii umawiyiinta .

Waa mucaashaqii qays binu mulawax binu masaaxim binu cadas , waxuu dhashay 440 kii hijriga waxa uu kusoo barbaaray maskax badnaan iyo fariidnimo , aabbihii wuxuu ka dhaxlay gabayga carabta iyo sheekooyinkoodii waxa uu aabbihii baray garashada xiddigaha iyo guuraha habeenkii
waa saaxiibadiisii leyla bintu mahdi binu sacad
binu mahdi binu rabiica , waxay dhalatay 444 kii
hijriga oo afar sannadood ayaa qays kaweynaa ,
leyla waxay lasoo barbaartay qurux badnaan iyo
laba indhood oo wax sixraaya , dhererkeeda iyo
jidhkeeduna wuu isu dheeli tirraa waxay udhalatay
caddaan iyo qurux .

Qays iyo leyla waxay ahaayeen laba carruura oo ay isu keentay qaraabadu oo xagga nasabka waxay ahaayeen ilma’adeer adhiga ayay urraaci jireen
ehelkooda sidaa kamaysan suulin ilaa ay waaweynaadeen oo leyla ka xijaabatey oo ka hagoogatey qays sida islaamku farayo , taasoo kicisay jacaylkii iyo uhilawgii qays uu uqabay leyla , isagoo arki waayey yaraantiisii wuxuu arki jirey layla oo aan hagoognayn , markaas ayuu isagoo calaacalaaya sidatan yidhi “leylay ma waad weynaatayoo .

waadigan xijaab isku waabayee waafyaha jidhkiyo
waaxyaha qurxoonwaad iga deddoowaayaha dhulkaan wada joognaybaan weli sii arkaa waqtigii tegiyo waagaan yarayn allow yaa wareeg dibu waaciyoo inageeya waab iyo waadigii webiyada badnaa “markii la’ogaadey labadooda jacaylka udhaxeeya waa lakala fogeeyey ” oo qays ayaa loo diidey ina uu yimaado leyla agteeda , haddana iyada oo carabtu ceeb u’aqoon inay wiil iyo gabadh sheeko dhex marto , qays waxa soo food saaray murugo oo waxa saameeyey fogaanshaha leyla iyo jacaylka uu uqabo , waxa uu bilaabay ina uu ka fogaado ehelkiisii iyo wadankii oo waxa uu lasaaxiibay buurihii iyo kobihii ay markay yaraayeen adhiga ku raaci jireen , isagoo xussaya maalmahay soo korayeen ee carruurta ahaayeen ayuu sidan
yidhi “leylay badhaadhaha baradaad ku dhalatiyo
beledkii samaayee berigaynu joognee aan wada barbaarnee kaa bogan lahaayee kaymaha bannaaniyo aan baylah joognaan waxba yaan baroortiyo bohol yowga iiyimi nafta aan la biimayn”
qays waxa uu ku dhaartay inaanu deynayn leyla oo u’iman doono, taas oo sababtay in leyla iyo ehelkoodii ka guuraan dhulkii ay deganaayeen , si aanu meella uga soo gaadhin qays , maalinba maalinta kaddanbaysa xaaladdu way sii xumaani qaysna waxa uu ku wareegayaa buurtii ay adhiga ku raaci jireen ee la odhan jirey tawbaad iyo togaggii yaraantoodii ay ku ciyaari jireen , waxa aanu yidhi sidatan “arlo kaa fogbaan ku asqoobayoo maalmuhu anay ii ooyayaan hogagbaan ardaa
ka agjeexdayoo oontii kago’ay aradkaynu beri ku ayaayurnaan ku agmeerayaa”.

layla waxay maqashay dhibaatada iyo werwerka haysta inaadeerkeed markaas ayay u’adkaysan
weydey oo kaxumaatay aabbeheedna waxa uu kaxanaaqay heesaha iyo gabayada qays leyla usoo tirinaayo ee ku faafaaya bulashada.

waxa uu uga dhaartay oo kaxarrimay ina uu leyla arko , tani waa leyla oo doonaysa inay qays dhibaatada laqaybsato waxa aanay tidhi “saxarahaad dhex joogtiyo iyo soomal haadkiyo siigada dhacaysiyo seeraha fogaadiyo buuraha salkoodiyo sabarkiyo bannaanada mar masoo siyaartaa?saxariirka caashaqu haynoo sinnaadoo aan soo salaamee” .

Qays iyo leyla waa labo ruux oo isjeclaada kuwii isugu jacaylka badnaa ee soo maray dunida ,labadaa qalbi hadday kulmi lahaayeen badaha iyo webiyada iyo buuruha intuba way uhanbal yaynlahaayeen kalluunka badda ku jiraana
sacabka ayuu utumi lahaa .

Laakiin sidatan ayaa dhacday leyla waxa guursadey nin layidhaahdo werdi kadib markii aabbeheed ku khasbay , taasina waxay geeri ku noqotay qays oo markii uu maqlayba saxarihii iyo buurihii ay lawareegeen xaaladdiisa caafimaadna noqotay miday kaddaaleen dhakhaatiirtu , qays aabihii ayaa maalin ugu


yimigod isaga oo hurda waxa aanu kadalbay ina uu urraaco guryihii iyo meeshii walaaladii joogeen , qays markii uu dib ullaabtay aad ayaa loo canaantay iyada oo qof kastaa kuleeyahay ,maxaad naftaada uhalaagaysaa gabadh kale maad dunidan
kaweydey.

iyada oo gabdhihii carabta ugu qurux badnaa loo soo bandhigayo taasna wuu ka indha saabtay qays ,oo waa halka ay iska shabbahaan cilmi boodhari , qays waxa uu go’aansaday inuu dib ugu laabto dhulkii riyada qays ma uu quusan weli waayo leyla dunida way joogtaa dayaxana way
laddaawtaa xidigahana way latirisaa , sidaas oo ay tahay qays wax kastaa waa ku liddi talo kasta oo uu daba ordaa waxay kasii muuqataa hal fadhigeed
habeenka iyo maalintuna waay ukala danbeeyaan , afarta jihona dabaylaha ayaa uga yimaada , waxa aanu yidhi isagoo kacabanaya leyla sida looga fogeeyey

“dadka oo idilbaa iga kaa asturoo ma adduunka dhanbaa iga hiilinayoo indhihii isixraan aragooda jeclaa ma arkee leylay ifka may joogaan ma illaawi karee” labadaas ruux aad ayay u’adkaatay inay kulmaan ,keliya waxa wararka ukala qaadi jirey safarrada ukala gooshaya shaam iyo jasiiradda carabta. Maalinba maalinta kaddanbaysa qays waxa uu kasii baxayaa saaxada nolosha waxana hadheeyey werwer , walaac iyo walbahaar .

leylina mamoogana saaxiibkeed waxa haysta , habeen habeenada kamida ayay jaariyadeedii loogu yeedhi jirey marjaan ay waraaq ugu soo dhiibtey taas oo kabbaadh baadhaysa dooxooyinka ‘ waadiyada iyo lama degaanka .

allahayow waqtigu muxuu isbedelayaa , shalay qays iyo leyli waxay kuwada ciyaari jireen bannaanada iyo guryohooda xilligay caruurta ahaayeen , maantana waxa udhexeeya webiyadii
murugada , oo midwaliba dacalkiisa kacabayaa, hadday isku dayaan inay isusoo gudbaanna , waxa qaadanaaya mawjadaha bilaa naxariista ah .

Marjaan weli way daydayeysaa qays oo mahelin.
qays waxa uu joogaa buur dusheed , oo waxa bannaankii fidsanaa uga soo muuqday hummaag, hiimsa hiimsahana waxa uu sawirtay leyla oo doonaysa , hasayeeshee bidhaantii way soo socotay ilaa ay usoo dhowaatey , waa qof dumar ah !! aad ayaa uu ufarxay saa waaba jaariyaddii marjaan markaasuu dhawaaqay oo ku yidhi” aaway xaggay martay ‘ xaalkeedu sidee ayuu ahaa leyla bal kawarran” markaas ayay warqaddii udhiibtey oo kutidhi”.

leyla waxay kaaga baqaysaa inaad kudhibaatootid jacaylkeeda waxa kale oo ay ku soo tidhi” hablaha dunida jooga maxaan kaga duwanahay oo aad sidan iigu jeclaatay ?.

waraaqda leyla waxay ugu calaacalaysaa qays iyada oo leh “ adiga ayaa xaq uleh inaad nolosha ila wadaagtid waxa aniga iguursaday nin aan naxariis
lahayn oo indhaha igu guba waxaan nahay laba isneceb oo caw ku wada caweeya” markaas ayaa uu qays xanaaqay oo sidatan yidhi.

LASOCO QEYBTA XIGTA GOOR DHOW I.A….

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment