[rank_math_breadcrumb]

Nabi Idriis Calayhi salaam

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Nabi idriis Calayhi salaam, waxa uu kamid ahaa nabiyadii ilaahey Qur’aankiisa ku sheegay.
Waxa uu Rabbi Subxaanah watacaalaa ku tilmaamay in nabi idriis uu ahaa nabi run badan.
Waxa uu socon jiray arlada, dadka ayuu ugu yeeri jiray in ay Alle kaliya caabudaan, waxa uu dadka bari jiray culuum kala duwan sida: waxqorista, waana qofkii ugu horreeyay ee qalin wax ku qora, waxaa la sheegaa in uu ahaa qofkii bilaabay tolidda iyo samaynta dharka, waxa uu ahaa mid tasbiix badan.
Waxa uu dadka baray wax beerashada, dhismaha, iyo Injineeriyadda.
Waxaa la sheegaa in uu dhisay magaalooyin badan.
Maxaynu ka barannaa Qisadani ?

  1. Cibaadada Alle oo kaliya ayay u sugnaatay.
  2. Qofka mu’minka ah waa qof tasbiix badan.
  3. Mu’minka waxa uu dadka la jeclaadaa wixii uu naftiisa la jeclaado.
  4. Mu’minka waxa uu dadka baraa wixii waxtar u leh.
  5. Qofka mu’minka ah wuxuu u adeegaa qoyskiisa iyo bulshadiisaba Nabi Huud
    Kaddib halaagii qabsaday qowmkii nabi Nuux, waxaa dib u soo kobcay basharka, tiradooda ayaa soo badatay, waxayna kala degeen goobo kala duwan.
    Qowmka reer Caad waxay degeen inta u dhaxaysa Cumaan iyo Yaman, dhulkaasi oo lagu magacaabi jiray Ax-qaaf.
    Waxay ku abtirsadaan Saam ibnu Nuux, waxay ahaayeen dad dhaadheer oo xoog badan , waxay dhisteen magaalo aan horay loo arag oo la dhihi jiray Iram, waxay lahaayeen dhulbeereed, ilo, waxay aasaaseen magaalooyin, iyo xadaarad.
    Nimcooyinkii Alle ku mannaystay kuma shukrin, waxay dib u caabudeen sanamyadii horay dad loogu halaagay, waxay ahaayeen dad kibir iyo dulmi badan.
    Allaah Subxaanah watacaalaa Wuxuu u soo diray walaalkooda Huud, oo kamid ahaa kuwooda ugu reer fiicnaa, guri ahaanna ugu caansanaa, wuxuu nabi Huud ugu yeeray dadkiisa inay caabudaan Allaah oo kaliya, wuxuuna faray inay iska daayaan caabudista sanamyada, wuxuuna ka reebay dulmiga, iyo xad-gudubka.
    Waxay yiraahdeen: Yaa naga xoog badan innaga?
    Waxay iloobeen in Aabbihii abuuray uu iyaga ka xoog badanyahay.
    Waxay ku yiraahdeen: Huudow adigu waxaan kuu aragnaa inaad tahay mid caqli yar oo doqon ah, waxaan u filaynaa inaad kamid tahay beenaalayaasha.
    Nabi Huud wuxuu ku Oran jiray: Qowmkaygiyoow caqli-yari ima haysato, ee waxaan u imid inaan Alle xaggiisa idinku yeero, waxaan doonayaa inaan idin soo gaarsiiyo risaalada Rabbi, waxaan ahay mid idin naseexeeya.
    Wuxuu nabi Huud gudagalay inuu xusuusiyo nimcooyinka uu Alle ku mannaystay, iyo inuu uga digo cadaabka ilaahey, iyo carradiisa, iyo wixii ku dhacay qowmkii nabi Nuux oo kale in iyaguna haleelo.
    Nabi Huud wuxuu ku Oran jiray: Qowmkaygiyoow Alle dembidhaaf weydiista, oo u towbad keena, Alle ayaa roob tiro badan idinka soo diraya samada, awoodiinna awood kale ayaa la idinku siyaadinayaa, ee ha jeesanina idinkoo mujrimiin ah.
    Waxay ku warceliyeen qowmkiisa: Huudow wax cadaymo ah nooma keenin, innaguna ilaahyadeennii kama tagayno, adiguna kuma rumaynayno.
    Sidaas ayayna noqotay jawaabtii reer caad, waxay ku adkaysteen sanamyadooda, waxayna yiraahdeen: Wixii cadaab ah ee aad sheegayso soo daa Huudow haddii aad run sheegayso.
    Billowgii Cadaabka
    Muddo badan oo uu waday dacwada nabi Huud, Waxaa rumeeyay tiro yar oo dadkii reer caad kamid ahaa, dadka intoodii badnayd waxay ku madax-adaygeen gaalnimadoodii, ilaahey wuxuu ku salliday roob la’aan iyo abaar daran, sidaas ay tahayna way madax-adaygeen, qaar iyaga kamid ahaa ayaa rabbi baryay, waxaana la arkay saddex daruurood oo midi caddaan tahay, Midna casaan tahay, Midna madow tahay, markii la kala dooransiiyay saddexdii Saxaab waxay doorteen tii madowga ahayd iyagoo u haysta in roob badani uu ku jiro, nabi Huud ayaa loo waxyooday in daruurahani ay sidaan dabaylo wax halaaga, waa dabaylo dhawaaqooda iyo xooggooda aan loo adkaysan karin, dabaylahaasi wax roob ah lama socon ee waa cadaabkii ay dalbanayeen reer caad.
    waxayna socotay siddeed maalmood iyo toddobo habeen, reer caad ayaa meeshii wada daatay, waxay noqdeen kuwo aan la arkin ilaa guryahooda mooyee.
    Allaah wuxuu badbaadiyay nabi Huud Calayhi salaam, iyo mu’miniintii la socotay.
    Reer caad markii ay iska dhegatireen hadalkii Allaah oo ay isbideen awood, iyo xoog, islamarkaanna ay iloobeen nimcooyinkii faraha badnaa inay ku shukriyaan, macaasidoodana ay badatay, waxaa qabsaday dabaylo halaag ah.
    Maxaynu ka baran karnaa qisadani ?
    ▪Awood iyo xoog ciddii isbidda, iskana illowda Allaah inuu yahay abuuraha khalqiga waxay ku dambayn doonaan meel aan wanaaagsanayn.
    ▪In lagu shukriyo nimcada waxay siyaadinaysaa nimcada.
    ▪Qofku inuusan dalban cadaab iyo musiibo.
    ▪Ilaahey wuxuu ilaaliyaa addoomadiisa mu’miniinta ah, wuxuuna ka badbaadiyaa dhagarta gaallada.
    ▪Shirkiga waa sababta ugu weyn ee lagu halaagsamo if iyo aakhiro.
    Nabi Saalix
    Reer Thamuud waxa ay degganaayeen dhulkii Al-xijri oo ku beegan inta u dhaxaysa madiina iyo Tabuuk.
    Waxay kasoo jeedaan Saam ibnu Nuux sida Taariikhyahannadu ay sheegaan.
    Deegaankoodu wuxuu ahaa dhul beero, daaq, ilo, iyo geed timireed hodan ku ah, ilaahey wuxuu siiyey awood aad u sarraysa,, waxay guryo ka samaysan jireen buuraha, waxaa la sheegaa in ninka reer Thamuudka ah uu qori jiray dhagxaanta waaweyn, si uu guri uga samaysto.
    Nimcooyinkan faraha badan ee Allaah u sahlay reer Thamuud intii ay ku shukrin lahaayeen, waxay u wareegeen gaalnimo, sanam, iyo fasahaadinta arlada, Alle subxaanah watacaalaa Wuxuu u soo saaray nabi Saalix calayhi salaam, farriintii nabi saalixna waxay ahayd, in la iska daayo Asnaamta, Alle kaliya la caabudo, fasahaadkana laga daayo arlada.
    Nasiixadii Nabi Saalix
    Nabi saalix wuxuu ugu tegay goobihii ay fariisan jireen reer Thamuud, isaga oo xusuusinaya Allaah, wuxuuna ku waanin jiray: Qowmkaygiyoow ilaahey caabuda, Alle aan isaga ahayn ma jiro, isaga ayaa idin quudiya, kaddib waxay ku warceliyeen: Ma waxaad naga reebaysaa inaan caabudno wixii ay caabudi jireen aabbayaashadu, waxaad waddo shaki ayaan ka qabnaa saalixoow.
    Nabi saalix wuxuu isku dayay inuu soo xusuusiyo nimcooyinka Alle, wuxuuna yiri: Bal xusuusta nimcooyinka uu Alle idinku mannaystay, Alle wuxuu idin dhaxalsiisay dhulkii, iyo ilbaxnimadii ay ka tageen reer caad, dhul aad u fiican oo aad qasriyo ka dhisateen ayaa la idin siiyay, buurahana waxaad ka samaysateen guryo dhaadheer, war xusuusta nimcooyinka, iyo gallada uu Alle idin siiyay, oo kaligii caabuda, dhulkana ha fasahaadinina.
    Marna kama caajisin nabi Saalix inuu diinta ugu yeero qowmkiisa, haddana dadkii rumeeyay waxay ahaayeen ducafadii, iyo dadkii tabarta yaraa.
    Xilli kasta oo uu dacwada ugu yeero nabi Saalix, waxay si jeesjees ah u oran jireen: markii hore waan ku jeclayn, oo waxaan kugu ixtiraami jirnay cilmigaaga, iyo caqligaaga, waynu ku rumaysan jirnay berrigii hore, balse rajadayadu way ka dhimatay dhankaaga, oo mid waalan baad noqotay.
    Hashii kasoo baxday dhagaxa
    Qowmkii reer Thamuud oo goob ku shirsan ayaa waxaa u tegay nabi Saalix calayhi salaam, waa uu wacdiyay, wuxuu xusiisiyay Alle sidii caadadu ahayd, waxay ku yiraahdeen: Saalixoow kuma rumayn karno ilaa dhagaxan aad kasoo saarto hal aad u weyn oo qurux badan, qarka u saaran inay dhasho, waana inay halkaas ku dhashaa, haddii aad sidaas noo samayso waxaan rumayn doonnaa Allaah.
    Nabi saalix wuxuu baryay Allaah Subxaanah watacaalaa, inuu u soo saaro hasha ay sheegayaan, si lamafilaan ah waxaa dhagixii ayaa dillaacay, waxaana kasoo baxay hashii xaamilada ahayd, isla goobtaas ayay ku umushay hashii.
    Markii ay arkeen dhacdadaasi waxaa soo islaamay tiro yar, intii kale waxay ku madax-adaygeen gaalnimadoodii.
    Nabi saalix wuxuu yiri: Hashani maalin bay biyo cabaysaa, idinkuna maalinta kale ayaad cabaysaan, ee ha isku taabanina, haddii kale cadaab baad kala kulmaysaan, hashii maalinteeda ayay cabi jirtay biyaha, maalinta kalena reer Thamuud ayaa ka cabi jiray ceelka magaalada, reerka Thamuud la dhaho waxay ahayd inay Alle rumeeyaan maadaama ay arkeen mucjiso aad u weyn, waxay jndhahooda saareen dhagixii oo hal kasoo baxaysa, laakiin indha-adayg, iyo kibir baa la degay.
    Hashii oo la dilay
    Dadkii degganaa tuulada, waxaa ku jiray sagaal qof oo ah kuwa ugu fasahaadka badan, waxaana kamid ahaa nin la dhihi jiray Qudaar ibnu saalif oo ahaa nin aad u liita, gaalnimadana meel fog ka gaaray.
    Sagaalka nin iyo in badan oo kamid ahaa dadkii deegaanka waxay ku heshiiyeen in la dilo hasha, iyo nabi Saalix, maalin ayaa waxaa dhacday in Qudaar ibnu saalif uu gammuun ku dhuftay hashii, waxayna ku dhacday dhulka, halkaas ayay ku dileen hashii, waxaa la sheegaa in nirigta yar ay ku carartay dhagixii, Alle ayaa og.
    Markii ay arrintani dhacday ayaa reer Thamuud waxay ku yiraahdeen Nabi saalix: Cadaabka aad noo ballanqaaday noo keen, haddii aad rasuul tahay.
    Thamuud oo halaag u yimid
    Galabtii kooxdii dilay hasha waxay damceen inay dilaan nabi Saalix calayhi salaam, balse Alle ayaa dhagaxaan u diray oo waxaa laga hormarsiiyay dadkii kale ee wali sugaya Cadaabka, Allaah ayaa u waxyooday nabi Saalix in Cadaabka uu imaan doonno saddex maalmood kaddib.
    Waxaa billowday calaamadaha cadaabka, maalintii koowaad wajigooda wuxuu noqday midabka cagaarka, maalintii labaad wajigooda waa uu casaaday, maalintii seddexaad wajigooda wuxuu noqday madow, waxay garteen in Cadaabka uu jiro, waxay xirtern kafantooda, waxayna sugeen cadaabka, waxaa halmar la maqlay qaylo aad u gilgishay quluubtooda, halkaas ayayna ku dhigteen, maydadkooda ayaa buuxdhaafiyay dhulka iyaga oo aan dhaqaaq lahayn.
    Maxaynu ka baran karnaa qisadani ?
    ▪ Cibaadada, iyo baryada waxay u sugnaatay Allaah oo kaliya.
    ▪ Nolosha oo lagu israafo waxay kamid ahayd sababihii halaagga qowmu Thamuud.
    ▪In laga jeesto amarka Alle iyo amarka rushsha waxay keenaysaa gaalnimo.
    ▪ Dadka fasahaadka iyo xumaha faafiya meel wanaagsan kuma dambayn doonaan.

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment