Waan idin Salaamay Dahamaan-tiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay,
markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu horumariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan 10 steps oo aan is idhi hadii uu qofka raba in uu Naftiisa Horemariyo uu ku dhaqmo gaadhi doono Goalkiisa ama Hadafkiisa Horumarineed, Qodobadiina waa Sidan:
- Samayso ama Dhiso xiriir wanagsan bulshada kugu xeeran, si ay kuu garab istaagaan marka aad la kulantid caqabad, ama aad u baahatid.
- Markasta ku dadaal in aad naftaada ka dhigtid mid daacad ah oo dibicsan.
- Isku day in aad dhoola cadaysid ama aad weji furfurnaatid marka aad ku dhexjirtid bulshadda.
- Baro ashyaa cusub Maalin kasta, si aad u korisid maskaxdaada, adigoo badsanaya dalxiisyada, daawashaada televisionada waxbrashadda ama taariikhda ka warama, iyo idacadahaba. si aad additional Knowledge u heshid.
- Isku day in aad ku Qanacdid waxa yare e aad nolosha ku haysatid, ee uu Eebe “Subxaana watacaalaa Kusiiyaya” Si laguugu Kordhiyo uguna gaadhid Galadda wayn, Badsana samirka si noloshaadu u sinaato.
- Ha isku dayin weligaa in aad Xiriir Baa-biisid, balse isku day weligaa in aad xiriir sanaysid, waayo xiriirkasta oo samaysid waxa uu ka qaybqaadanayaa Cimri dherrerkaaga.
- Badso Hadalada Kiisa Wanaagsan, Yaraysana Hadalada kiisa Qalafsan, si aad u noqotid qof la xiiseeyo.
25 - Weligaa Hore usoco, wixii tagay way tageen, waxa manta joona waa waxaad qacanta ku haysid, Mustaqbalka wixii aad heli lahydna waa murayadii beri.
- In aad tidhaahdid “MAYA”maahan wax xun, Maya macnaheedu waxa weeyaaan in aadan adigu ku qanacsanayn xaalad, taas macnaheedu maahan in aad u isticmaashi Rule ka #2 ee aanu kor ku soo sheegnay in aad fikirkaaga ku afkeeeb qabatid.
- Xasuuso weligaa sadex waxyaalood: waxqabadkaaga, Rajadaada, iyo
Guushaadaa, Waayo waxqabadkaaguwaxa uu ka turjumayaa Dhiiri gelintaada, Rajadaadana waxa ay ka turjumaysaa Hamigaaga nololeed, Guushaadu waxa ay ka turjumaysaa Nasiibkaaga kiisa wacan.
Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya qodabaadan kor ku xusan ku dadaal.
Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada,
Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Alle
SIFOOYINKA DADKA GUULEYSTA
Guusha ay naftooda la jecel dadkana way la jecel yihiin: Majiro aduunkan qof kaligii meel iska taagan, cid kasta waxay ku abtirsataa Qoys, Ehelo iyo asxaab agtooda ka ag dhaw, haddii ay iyaga kaliya guul gaadhaan oo cida ku hareeraysana aaney la dareemin farxadaa iyo reyn rayntaa waxba uguma taalo guushaasi waa hubaal, haddaba waxa ka mida sifooyinka dadka ku guuleysta aakhiro iyo iftiinkaba iney yihiin kuwo farxadooda iyo ta bulshada kale isku xidhan tahey.
Waxey sameystaan Qorshayaal cad cad oo ay nolohsooda ku hagaan: inaad qorshe yeelataa waa waxa kugu haga guusha, qorshuhuna waa halka laga istaadho gaadhiga nolosha ee aynu saaranahey, hadaanad aqoon saneyn wadooyinka aad marin doonto baabuurkaa waa hubaal oo meel aan meel ba aheyn buu gabalku kuugu dhici saliida iyo biyuhuna kaaga dhamaan.
Waxey si dhameystiran u qaadaan mas,uuliyada khaladaadkooda: waligeedba waa la yaqanaa iney dadka fashilka badani saaraan eeda khaladaadkooda cid kalle amaba agabka ay adeegsanayeen, waa inaad ku dhiirataa inaad khaladka adigu ka masuul tahey kuna dadaashaa inaanu soo noqnoqon, insaanbaynu u nahey khaladka iyo gafka wax ceeb ahina kuma jirto haddey wax kaa qaloocdaan.
Way saamaxaad badan yihiin: khalad kasta oo laga galo waxey kaga talaabaan saamaxaad iyo laab xaadhnaan, taas oo u horseeda iney ixtiraam iyo wanaag ka kasbadaan bulshada ay ku dhex noolyihiin.
27
waxey amaanaan wax qabadyada dadka kale: inaad qofka u quudho waxii wanaaga ee uu muteysto ood ku amaanto si qalbi furnaan ah waxey kugu rideysaa wadada ah inaad tahey qof guuleysta bulshaduna jeceshahey, halka haddii aad wax kasta oo la qabto dhaliil ku sheegto il gaar ah lagugu eegi doono kama danbeystana aad noqon doonto tuke baal cad.
farxada ayey balaadhiyaan: tani macnaheedu waxa weeye cidii ay gacan siin karayaan si ay guul u gaadhaan way siiyan, si farxadu ugu baahdo bulshada. Bulsho wanaag iyo kalgacal kuwada nool in la helaa waa wax qaali ah, kaliyana waxa lagu gaadhi karaa in lays garabsado oo gacmaha lays qabsado
.
Wax akhris ka ayey joogteeyaan: akhrisku waa muhiim, nolosha qofkana wax badan ayuu kabadelaa waana calaamad lagu garto qofka horumarka iyo guusha jecel. Maah-maah carbeed ayaa tidhaahda “markastoo akhriskaagu baden yahey aragaagu wuu dheer yahey” aragu kii indha maahee u kaadi, waa kii maskaxda “Indheer garad”
Wax bixin joogto ah: naftadooda uun uma shaqeeyaan ee gacantoodu waxey u furan tahey kuwa aan waxba haynin iyo gargaarka bulshada, ka qeyb qaadashada hawlaha ka socda bulshada dhexdeeda iyo wixii la hal maala.
Wax barasho joogto ah: kama caajisaan waxbarashada ha noqoto tu toos ah iyo tu dadban midey doontaba, waagii baryaba waxey diyaar u yihiin iney kasbadaan cashar cusub oo wax tar u leh naftooda iyo bulshadaba.
Dadka ayey la wadaagaan khibradooda si looga faa,iideysto: bakheylku maaha ka xoolaha uun bakheyla ee cilmiga iyo caqligana waa la bakheylaa, haa!!! Waxa jira boqolaal la god gala cilmigii ay lahaayeen iyagoon qofna alif uga sheegin.
Isbadelka ayey hore ula qabsadaan: haddii aanu isbadelku caqabad kugu aheyn waa hubaal waxaad ka mid tahey kuwa guuleysta, iney noloshu is badashona waa calaamad horumar sheegaysa, “Bartii Yaqaan Bari uma korodho”.
Dabeecadaha Guusha
guushu waa wax aad uga balaadhan eray qudh ah, guushu waa ka midho dhalinta dhamaan
himilooyinkaaga, waa ku guulaysiga hadafyadaada waana wadada kugu hogaamisa farxadda, guushu ma ahan wax ku timaada bil iyo labo toona sababtoo ah waa wax aad u qaaliya waxayna u baahan tahay dedaal aad u badan iyo shaqo adag, balse waxaa laga yaabaa adigoo samaynaya dedaal aad u badan inaad kaga tagto meel dhexda ah inaad rajo dhigto ama aad la deris noqoto jiyad jab, dhamaan waxyaabahaani waa wax kugu dhici kara haddii aanad lahayn dabeecada iyo hab-dhaqanka ay leeyihiin dadka guulaysta maadama guushu tahay wax khaas waxaa gaara dad khaas ah. balse ha werwerin sifooyinka ay guushu u baahan tahay wa kuwo aad baran karto xitaa haddii dabeecadahaagu yihiin kuwo aad uga fog sifooyinka guusha.
guusha iyo dabeecadaha ay rabtowadada guusha waxaa mara oo kaliya dadka xoogga u leh inay u adkeystaan caqabadaheeda. wadadaan waxaa ka buuxa diidmo lagaaga hor yimaado niyad jab, xanuun, qoomamo, guuldarro iyo xitaa murugo