Haddi aad Leedahay 21-daan Tilmaam, Ogow Waxaad Kamid Tahay Dadka
Adduunka Ugu Caqliga Badan
Fikrad ahaan waayo aragnimadeeda ayaa naga dhigayo kuwa awood leh, Inaad Noqoto mid niyadsan, awoodo inuu nooshiisa xakameeyo isla markaasna aan dareemin inuu naftiisa ka xun yahay, waa qaar kamid ah sifooyinka ay waajib tahay inaan sameyn.
Ma aaminsan tahay inaad leedahay mid kamid Ah sifooyinkaan,? haddii aad tahay qof leh waxad ku raaxeysaneysaa maskax awood leh, waadna ka adag tahay arrin kasta oo kusoo wajahdo xataa kuwooda ugu adag.
Garro sida aad u kala saari laheyd caqliga iyo Caadifada: Waxaa laga ma maarmaan ah inaad kala garato caqliga iyo caadifada Xilliga aad ku jirto xanaaq si aad u qaadato go,aan wanaagsan.
Waqtigaaga ku qaado qaab miro dhal leh: Waxaa macquul ah in qofka uu sameeyo kumanaan cudur daar haddii uusan sameyn shaqo uu qaban lahaa, balse dadka maskoxdooda awooda leedahay waxay xoogga saaraan waxay doonayaan, waxayna ka fogaadaan inay waqtigooda ku lumiyaan wax aan mirro dhal aheyn.
Ku Kalsoonow Awooda aad kula qabsan karto Isbadalka: Nolosha markasta way sii hormareysaa, mararka qaarna waxaa dhib kugu noqoneyso inaad la qabsato midda cusub, dadka intoo badan waxay isku dayaan inay la dagaalamaan isbadalka, laakiin dadka garaad weyn u saaxiibka ah waxay si deg deg ah ula qabsadaan nolosha cusub.
Ka Fagow Cabsida: Dadka intooda badan waxay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara cabsida, laakiin qaarkood waxay isku dayaan inay wajahaan cabsida si ay dadka kale ugu muujiyaan qaab wanaagsan, laakiin dadka caqliga badan way ka hortagaan cabsida cad ee naftooda kuu wajahdo.
Qaladkaaga Wax Ka Baro: Dadka caqliga awood ku dhisan leh ficiladooda kama marmarsiiyoodaan mana ka qariyaan dadka kale qaladaadka ka dhacay, waxayna u noqotaa cashir si aysan sidaan camal ugu dhicin.
Isku Fiiri Sida aad hadda tahay iyo sida aad dooneyso inaad noqot:
qofka leh maskxda fiican wuu ku qanacsan yahay waxa uu hadda yahay, laakiin isla watigaas wuxuu kasii shaqeeyaa sidii uu middaan mid ka fiican u gaari lahaa.
U Dabaaldeg guusha Dadka Kale: Dadka Caqliga Fiican leh waa kuwa awoodo inay dadka kale caawiyaan, guusha ay gaaraan dadka kale kama maseeraan, taas badalkeeda waxay muujiyaan inay u dabaal dagaan guusha.
Qaadashada Go,aano waafaqsan Qiyamka: Haddii aad tahay qof waafaqsan qiyamkiisa, waa inaad muhiimada siisaa mana kala kulmi doontid dhibaato qaadashada go,aamada, tanna waa mid kamid ah waxyaabaha lagu garto inuu qofka yahay mid caqli badan.
Horumarinta Xirfadaada: Dadka Caqiga badan waxay ku dadaalaan inay horumarin ku sameeyaan xirfahooda.
Ku Noolow Nolo Dhab Ah: Dadka caqliga leh, waxay aaminsan yihiin naftooda, ficilada ay sameenayaana ma khilaafsano hadaladooda.
Sharaftaada Qadari Ha Fiirin Xoolo: Dadka caqliga leh waxay qadriyaan nafsad ahaantooda, balse ma fiiriyaan waxay heystaan, mana kala jeclo haddii ay guul dareystaan iyo haddii ay qasaaraan.
Ogow In Guusha ay mudan tahay in la sugo: dadka caqliga badan way garanayaan sida loo sugto guusha, wayn og yihiin in guusha ay qaadaneyso waqti dheer, sidoo kalan sababr la,aanta inay tahay mid kaa dhigeyso qof liita.
Waxaad masuul ka tahay wixii aad sameyso : Caqli badnaashaha ma damaanad qaadeyso inaadan dambi galeyn, dadka oo dhan way gafaan, balse midda ugu muhiimsan ayaa ah in gafka wax laga barto.
U Arag dhibka inuu yahay fursad: Caqabada iyo dhib kasta oo kusoo wajaho waa fursad kale oo aad horumar ku sameyn karto, dadka intooda badan waxay dareemaan ciriir marka ay soo wajahaan dhibaatada, laakiin qofka caqliga u saaxiibka ah way caqbalaan waxyaabaha soo wajaho noloshooda ay u noqdaan kuwa sii fiicnaada.
Muuji Mahadceli iyo Qanacsanaantaada: Intii ay sii raadin lahaayeen dheeraad, kuwa caqliga leh waxay rumeysan yihiin inay heystaan fursado badan oo ay guul ku gaari karaan, wayna yaqaaniin intay heystaan sidii looga mahadcelin lahaa.
Xoogga Saar Waxa Aad Taqaan: Dadka maskxda fiican leh waa kuwa waxtar leh noloshana guul ka gaaro, waxayna u go,aan oo ay waqti iyo juhdi ku bixiyaan waxa ay ku xeel dheer yihiin.
Sare u Kac marka Aad Fashilmato Kadib: dadka caqliga badan fashilka uma arkaan wadada dhamaadka balse waxay u arkaan inay tahay bilaw keeni
Kara inay ugu dambeyntii guul gaaraan
.
Noqo mid waaqiciga la socdo wax fiicanna rajeeya: Dadka Garaadka leh waxay markasta leeyihiin rajo fiican, waxayna rumeysan yihiin inay sameeyeen waxa ugu fiican oo ay awoodeen, balse isla waqtigaas Cagaha dhulka way ka qaadaan.
Ka Shaqey inaad saxdo meelaha aad ka liidato|: inta badan dadka waxay isku dayaan inay qariyaan ceebahooda, laakiin qofka caqliga wanaagsan leg kama cabsoodaan inay wajahaan meelaha ay ka liitaan, dib ayey isaga saxaan waxayna ka guuleystaan.
Diyaar U Ahaw Inaad Xaliso Dhibaatadaada: waxaa ku hortaalo laba arrin midkood, inaad waqtigaaga ku qaadato Cabasho, ama inaad xal u raadiso dhibaatadaada sida ay sameeyaan kuwa caqliga leh.
Diyaar U Ahaw Inaad waxyaabo Cusub Barato: Maalin cusub, qof cusub, xirfad cusub, waa fursada kale oo lagu barto waxyaabo cusub, dadka maskaxdooda awooda leedahay had iyo jeer waxay joogteeyaan waxbarashada.
Ramadanta iyo Tarbiyaynta Guusha
Markaa Aad ugu fiirsano sababaha guulaha waa wayn Ee Islaamku gaadhay bishan Fadli-
geedu aadka u wayn yahay Laga Bilaabo dagalkii Badar ee waynaa hadana aan ku xijisiino Furashadii magalada barakaysan ee Maka sidoo kale gushii Daariq binu siyaad uu ku furtay
dalka Andalus sidoo kale Dhacdadii tariikhiga ahayd ee aynu jaaluut tasoo lagu jabiyay Cadowgii Islamka meelaha aadka u fogfog kaga soo duulay Ee ahaa maangooliyiinta ama ta-
taarka ilaa tirada guulaha Bisha ramadaan ayaa kor u dhaafeen “185″ guulood iyo fura-
shooyin Waa wayn oo badashay socodka taariikhda.hadaba markaan Isku xidhno guulaha
aadka u badan ee islaamku gaadhay iyo Bishan aadka u fadliga badan waxaa inoo soo baxay
qodabadan :
Bisha ramadan waa bishii 1 1.sabirka guushana waxay mar kaste La jirtaa sabirka sidii ya-
raanta wanaagsan iyo qorshayn hadaf Fog leh maaha dagdag iyo samir la,aan kuwaas oo
dayaca Wax kasta marka si isku mid ah qofka bulshada iyo umadahaba Guushu ma taqaano in shayga la dagdagsado intuuna gaadhin Ka hor waxa ay keentaa in la seego waayo Guushu
ma taqaano Dagdagsiimo iyo in hadii wixii la rabay horay loo waayo hawsha La joojiyo ama
dagaalka laga baxo taasina waxay keentaa jabid Foolxun oo ku timaada cidii sabirka ka
booda.hadaba bisha Ramadaan iyo sabir waxay leeyihiin xidhiidh aad u wayn maxaa Yeelay