Nabi Saalix
Reer Thamuud waxa ay degganaayeen dhulkii Al-xijri oo ku beegan inta u dhaxaysa madiina iyo Tabuuk.
Waxay kasoo jeedaan Saam ibnu Nuux sida Taariikhyahannadu ay sheegaan.
Deegaankoodu wuxuu ahaa dhul beero, daaq, ilo, iyo geed timireed hodan ku ah, ilaahey wuxuu siiyey awood aad u sarraysa,, waxay guryo ka samaysan jireen buuraha, waxaa la sheegaa in ninka reer Thamuudka ah uu qori jiray dhagxaanta waaweyn, si uu guri uga samaysto.
Nimcooyinkan faraha badan ee Allaah u sahlay reer Thamuud intii ay ku shukrin lahaayeen, waxay u wareegeen gaalnimo, sanam, iyo fasahaadinta arlada, Alle subxaanah watacaalaa Wuxuu u soo saaray nabi Saalix calayhi salaam, farriintii nabi saalixna waxay ahayd, in la iska daayo Asnaamta, Alle kaliya la caabudo, fasahaadkana laga daayo arlada.
Nasiixadii Nabi Saalix
Nabi saalix wuxuu ugu tegay goobihii ay fariisan jireen reer Thamuud, isaga oo xusuusinaya Allaah, wuxuuna ku waanin jiray: Qowmkaygiyoow ilaahey caabuda, Alle aan isaga ahayn ma jiro, isaga ayaa idin quudiya, kaddib waxay ku warceliyeen: Ma waxaad naga reebaysaa inaan caabudno wixii ay caabudi jireen aabbayaashadu, waxaad waddo shaki ayaan ka qabnaa saalixoow.
Nabi saalix wuxuu isku dayay inuu soo xusuusiyo nimcooyinka Alle, wuxuuna yiri: Bal xusuusta nimcooyinka uu Alle idinku mannaystay, Alle wuxuu idin dhaxalsiisay dhulkii, iyo ilbaxnimadii ay ka tageen reer caad, dhul aad u fiican oo aad qasriyo ka dhisateen ayaa la idin siiyay, buurahana waxaad ka samaysateen guryo dhaadheer, war xusuusta nimcooyinka, iyo gallada uu Alle idin siiyay, oo kaligii caabuda, dhulkana ha fasahaadinina.
Marna kama caajisin nabi Saalix inuu diinta ugu yeero qowmkiisa, haddana dadkii rumeeyay waxay ahaayeen ducafadii, iyo dadkii tabarta yaraa.
Xilli kasta oo uu dacwada ugu yeero nabi Saalix, waxay si jeesjees ah u oran jireen: markii hore waan ku jeclayn, oo waxaan kugu ixtiraami jirnay cilmigaaga, iyo caqligaaga, waynu ku rumaysan jirnay berrigii hore, balse rajadayadu way ka dhimatay dhankaaga, oo mid waalan baad noqotay.
Hashii kasoo baxday dhagaxa
Qowmkii reer Thamuud oo goob ku shirsan ayaa waxaa u tegay nabi Saalix calayhi salaam, waa uu wacdiyay, wuxuu xusiisiyay Alle sidii caadadu ahayd, waxay ku yiraahdeen: Saalixoow kuma rumayn karno ilaa dhagaxan aad kasoo saarto hal aad u weyn oo qurux badan, qarka u saaran inay dhasho, waana inay halkaas ku dhashaa, haddii aad sidaas noo samayso waxaan rumayn doonnaa Allaah.
Nabi saalix wuxuu baryay Allaah Subxaanah watacaalaa, inuu u soo saaro hasha ay sheegayaan, si lamafilaan ah waxaa dhagixii ayaa dillaacay, waxaana kasoo baxay hashii xaamilada ahayd, isla goobtaas ayay ku umushay hashii.
Markii ay arkeen dhacdadaasi waxaa soo islaamay tiro yar, intii kale waxay ku madax-adaygeen gaalnimadoodii.
Nabi saalix wuxuu yiri: Hashani maalin bay biyo cabaysaa, idinkuna maalinta kale ayaad cabaysaan, ee ha isku taabanina, haddii kale cadaab baad kala kulmaysaan, hashii maalinteeda ayay cabi jirtay biyaha, maalinta kalena reer Thamuud ayaa ka cabi jiray ceelka magaalada, reerka Thamuud la dhaho waxay ahayd inay Alle rumeeyaan maadaama ay arkeen mucjiso aad u weyn, waxay jndhahooda saareen dhagixii oo hal kasoo baxaysa, laakiin indha-adayg, iyo kibir baa la degay.
Hashii oo la dilay
Dadkii degganaa tuulada, waxaa ku jiray sagaal qof oo ah kuwa ugu fasahaadka badan, waxaana kamid ahaa nin la dhihi jiray Qudaar ibnu saalif oo ahaa nin aad u liita, gaalnimadana meel fog ka gaaray.
Sagaalka nin iyo in badan oo kamid ahaa dadkii deegaanka waxay ku heshiiyeen in la dilo hasha, iyo nabi Saalix, maalin ayaa waxaa dhacday in Qudaar ibnu saalif uu gammuun ku dhuftay hashii, waxayna ku dhacday dhulka, halkaas ayay ku dileen hashii, waxaa la sheegaa in nirigta yar ay ku carartay dhagixii, Alle ayaa og.
Markii ay arrintani dhacday ayaa reer Thamuud waxay ku yiraahdeen Nabi saalix: Cadaabka aad noo ballanqaaday noo keen, haddii aad rasuul tahay.
Thamuud oo halaag u yimid
Galabtii kooxdii dilay hasha waxay damceen inay dilaan nabi Saalix calayhi salaam, balse Alle ayaa dhagaxaan u diray oo waxaa laga hormarsiiyay dadkii kale ee wali sugaya Cadaabka, Allaah ayaa u waxyooday nabi Saalix in Cadaabka uu imaan doonno saddex maalmood kaddib.
Waxaa billowday calaamadaha cadaabka, maalintii koowaad wajigooda wuxuu noqday midabka cagaarka, maalintii labaad wajigooda waa uu casaaday, maalintii seddexaad wajigooda wuxuu noqday madow, waxay garteen in Cadaabka uu jiro, waxay xirtern kafantooda, waxayna sugeen cadaabka, waxaa halmar la maqlay qaylo aad u gilgishay quluubtooda, halkaas ayayna ku dhigteen, maydadkooda ayaa buuxdhaafiyay dhulka iyaga oo aan dhaqaaq lahayn.
Maxaynu ka baran karnaa qisadani ?
▪ Cibaadada, iyo baryada waxay u sugnaatay Allaah oo kaliya.
▪ Nolosha oo lagu israafo waxay kamid ahayd sababihii halaagga qowmu Thamuud.
▪In laga jeesto amarka Alle iyo amarka rushsha waxay keenaysaa gaalnimo.
▪ Dadka fasahaadka iyo xumaha faafiya meel wanaagsan kuma dambayn doonaan.