[rank_math_breadcrumb]

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Heshiiska Nabadeed ee Al Xudaybiyyah/Thuu Al Qacdah sanadka lixaad ee
Hihrada

Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: “Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Al Madiinah ku sugnaaday bisha Ramadaan iyo Shawwaal, markaasuu baxay Thuu Al Qacdah isagoo Cumro u socda, xarbinana aan doonayn (oo uu ibnu Hishaam yiri: “Numaylah bin Cabdu Allaahi Al Llaythii ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla xilka Al Madiinah u dhiibay)(Al Suhaylii wuxuu yiri: “Wuxuu cumrada ka xirtay Thuu Al Xulayfah”, oo ah meesha maanta la yiraahdo Abyaaru Calii oo laba iyo toban kiiloomitir Al Madiinah u jirta). Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u yeeray Carabta hareerihiisa deggan iyo reer miyiga, inay soo raacaan, isagoo cabsi ka qaba waxay Quraysh falayso oo ah inay xarbi kala hor yimaadaan, ama ay Baytka ka celiyaan.” Markaasaa waxaa kasoo gaabiyay in badan oo reer miyiga ah. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, watay inta la socota oo Muhaajiriin, Ansaar iyo inta Carabta uga timid, wuxuuna soo kexeeyey hadyi uu Kacbad u wado, wuxuuna u ixraamtay cumro, si ay dadku u ogaadaan inuusan xarbi u socon, uuna u socdo ziyaarada Baytka iyo waynayntiisa. Hadyiga uu wadayna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu ahaa toddobaatan halaad o geela, dadkuna waxay ahaayeen toddoba boqol , oo sidaasay tulud walba toban qof ku beegnayd. Jaabir bin Cabdu Allaahi wuxuu yiri: “Asxaabta Al Xudaybiyyah waxaan ahayn kun iyo afar boqol oo qof.”
Al Suhaylii wuxuu yiri: “Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu sii diray nin ilaalo ah, o u dhashay Khuzaacah, una diray Makkah, magaciisuna yahay Busr bin Safwaan bin Camr bin Cumayr Al Khuzaacii. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaaray Ghadiiru Al Ash-dhaadhi (oo Cusfaan agteeda ah, oo ghadiir macnihiisu waa balli, maantana waa qallalanyahay, siduu Al Balaadii u sheegay. Cusfaan waxay Makkah u jirtaa sideetan kiiloomitir) ayaa waxaa u yimid ilaalkii uu Makkah u diray.”
Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: “Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo socday oo markuu Cusfaan yimid ayaa waxaa u yimid Bishr bin Safwaan Al Kalbii wuxuuna yiri: “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qurashy way maqashay soo socdkaaga, markaasay soo bexeen ayagoo wata geelooda caanooleyda ah, oo ay caanohooda cabbayaan, waxayna labbisteen hargaha nimiriga (shabeelka) oo dagaal ayay diyaar u yihiin, waxayna ku degeen Thuu Dhuwaa (oo hadda Makkah dhexdeeda ka mid ah), ayagoo Ilaahay ka ballan qaaday inaadan weligaa Makkah ugu gelin. Waxaana soo baxay Khaalid bin Al Waliidu oo fardooleydooda wata, ayna soo hormariyeen, hadana ku sugan Kuraacu Al Ghamiimi (oo Makkah u jirta afar iyo lixdan kiiloomitir). Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: “Yaa wayxa Quraysha! La qad akalathumu al xarbu. Maa thaa calayhim law khalluu baynii wa bayna saa’iri Al Carabi, fa in hum asaabuunii kaana allathii araaduu, wa in ath-haranii Allaahu calayhim dakhaluu fii al islaami waafiriina. Wa in lam yafcaluu qaataluu wa bihim quwwatun. Fa maa tathunnu Qurayshu fa wa Allaahi laa azaalu ujaahidu calaa allathii bacathaniya Allaahu bihi xattaa yuth-hirahu Allaahu aw tanfarida haathihi al ssalifatu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Maxay leedahay Quraysh! Xarbi ayaa cunay! Maxaa ku dhici lahaa hadday isaga kaaya dhex bixi lahaaayeen aniga iyo Carabta inteeda kale, oo hadday kuwaasu i dilaan waa siday rabeen. Hadduu Ilaahay aniga libta iga siiyana, islaamkay u soo gelayaan kooxo kooxo. Haddayan sidaas yeelinna waxay dagaallamayaan ayagoo xoog leh. Hadaba Quraysh maxay u malayneysaa oo dooneysaa? Wa Allaahi aniguna waan ku jihaadayaa wuxuu Ilaahay igu soo diray ilaa uu Ilaahay islaamka ka siiyo guusha oo uu libta helo ama aniga la i dilo.

Heshiiska nabadeed ee Al Xudaybiyyah

Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: “Markaasay Qurayshi waxay usoo dirtay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Suhayl bin Camr oo u dhashay Qurayshta Banii Caamir bin Lu’ayy, waxayna ku yiraahdeen: “Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u tag, lana heshii. Heshiisna yuusan dhicin inuu sanadkaan naga gadoomo mooyee, oo wa Allaahi inayan Carabi ku sheekeysanayn inuu xoog noogu soo galay, weligeed.” Markaasuu Suhayl bin Camr Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Suhayl bin Camr arkay isagoo soo socda wuxu yiri: “Qad araada al qawmu al sulxa xiina bacathuu haathaa al rajula”, oo macnihiisu yahay: “Qawmku waxay doonayaa heshiis markay ninkaan soo direen.” Markaasuu Suhayl bin Camr markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid ayuu la hadlay oo uu hadalka dheereeyey, ayna waanwaani dhex martay, kaddibna ay heshiiyeen. Markaasaa markuu la heshiiyay oo uusan harin in heshiiska la kala dhigto mooyee, ayaa waxaa soo booday Cumar bin Al Khadh-dhaab, oo Abuu Bakr u yimid, kuna yiri: “Abuu Bakarow, soo isagu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma aha?” Wuxuu yiri: “Haa.” Wuxuu yiri: “Soo annagu muslimiinta ma ihin?” Wuxuu yiri: “Haa.” Wuxuu yiri: “Soo ayagu gaalada ma aha?” Wuxuu yiri: “Haa.” Wuxuu yiri: “Maxaan hadaba wax Diinteenna hoos u dhigaya uga yeeleynnaa oo kula heshiineynnaa?” Abuu Bakr wuxuu yiri: “Cumarow, laazim oo ku dhegganow wuxuu Sallaa Alllaahu Calayhi Wasallam yiraahdo, oo anigu waxaan marag ka ahay inuu Rasuulka Ilahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay!” Cumar wuxuu yiri: “Aniguna waxaan marag ka ahay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay!” Kaddibna Cumar wuxuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri: “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, soo Rasuulka Ilaahay ma ihid?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: “Balaa”, oo ah “Haa.” Wuxuu yiri: “Soo annagu muslimiinta ma ihin?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: “Balaa”, oo ah “Haa.” Wuxuu yiri: “Soo ayagu gaalada ma aha?” uxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: “Balaa”, oo ah “Haa.” Wuxuu yiri: “”Maxaan hadaba wax Diinteenna hoos u dhigaya uga yeeleynnaa oo kula heshiineynnaa?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: “Anaa cabdu Allaahi wa Rasuulahu, lan ukhaalifa amraHu, wa lan yudayyicanii.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Anigu waxaan ahay addoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amarkiisana khilaafi mayo, Isaguna i lumin mayo.” Cumar wuxuu oran jiray: “Waxaan ku taagnaa inaan sadaqo la baxo oo aan soomo oo aan addoomo xoreeyo waxaan falay daraaded maalintaas, cabsida aan ka qabo hadalkayga aan ku hadlay daraadiis, ilaa ay rajo iga gashay inay xaaladdaydu khayr tahay.”

Calii ayaa dhigay heshiiska

Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Calii bin Abii Dhaalib, Allaha raalli ka noqdee, u yeeray, kuna yiri: “Uktub: Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi” oo macneheedu yahay: “Dhig: Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi”. Markaasuu Suhayl wuxuu yiri: “Ma aqaanno kaas, waxaadse dhigtaa Bismika Allaahumma.” Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “Uktub Bismika Allaahumma.” Oo ah: “: “Dhig Bismika Allaahumma.” Markaasuu dhigay. Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: “Uktub: haathaa maa saalaxa calayhi Muxammadun Rasuulu Allaahi Suhayl bin Camr”, oo amcnihiisu yahay: “Dhig: kanu waa wuxuu Muxammad, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Suhayl bin Camr kula heshiiyay.” Markaasuu Suhayl bin Camr wuxuu yiri: “Haddaan marag ka ahay inaad Rasuulka Ilaahay tahay kulama dagaallameen. Laakiin waxaad dhigtaa magacaaga iyo magaca aabahaa.” Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: “Uktub: haathaa maa saalaxa calayhi Muxammadu bin Cabdu Allaahi Suhayl bin Camr”, oo macnihiisu yahay: “Dhig: Kanu waa wuxuu Muxammad bin Cabdu Allaahi Suhayl bin Camr kula heshiiyay.” Waxayna ku heshiiyeen in xarbiga dadka laga joojiyo muddo toban sano ah, uu dhexdooda dadku nabad ku helo, oo qaarkood ka haraan qaarka kale. Waxayna ku heshiiyeen inuu ninka Quraysh uga yimadaa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la’aanta idanka waligiisa inuu usoo celiyo. Qofka ka yimaadana dadka Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la jirana hadduu Quraysh usoo galo u celin mayaan. Tobankaas sano dhexdeedana waa sida haan aaburan oo kale, oo ah inaan waxa dhexdeeda ku jira la arag, oo ah inaan colaad la is tusin oo aan la isu muujin, oo colaadda qalbiga ku jirta halkaas lagu hayo oo aan la muujin, iyo inan la is khayaanin, lana is xadin. Qabiilka kale oo doonayana inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaashaanbuur iyo la dhan noqdana heshiiskaa ha la galo, cidda doontana inay Quraysh gaashaanbuur iyo la dhan noqotana heshiiskaan ha la gasho.” Qoraalkiina waa midka soo sicda.

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment