[rank_math_breadcrumb]

By ISMAIL Mohamed

Published on:

Soo degidda Quraanka

Markaas kaddib Quraanku wuxuu usoo degay Aayado kala gogo’ an: ama shan Aayadood ama toban ama ka badan ama ka yar, hadba siday dhacdooyinku yihiin. Waxaa saxiix ah inay tobanka Aayadood ee qisada ifkiga ee Suuratu Al Nuur mar soo wada degeen, siday saxiix u tahay inay tobanka Aayadood ee ugu horreeya Suuratu Al Mu’minuun mar soo wada degeen. Waxaa ayaduna saxiix ah inay “Ghayru uulii al ddarari” oo macneheedu yahay “oo aan kuwa dhibban ahayn” ay keligeed soo degatay, waana qayb ka mid ah Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Nisaa’i. Sidaasoo kale waxaa keligeed soo degatay “Wa in khiftum caylatan” oo macneheedu yahay: “Haddad ka cabsataanna saboolnimo”, ahna qayb ka mid ah Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Tawbah, ilaa dhammaadka Aayadda, waxay soo degatay mar ka dambeysey Aayadda inteeda hore usoo degatay. Ibnu Abii Shaybah wuxuu wariyay inuu Cikrimah yir: “Ilaahay wuxuu Quraanka usoo dejiyay qayb qayb ka kooban saddex Aayadood ama afar Aayadood ama shan Aayadood.” Al Bayhaqiina wuxuu wariyay inuu Cumar yiri: “Quraanka u barta shan shan Aayadood, maxaa yeelay Jibriil wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dejinjiray shan shan.” Quraanku wuxuu soo degayey, isagoo qaybo qaybahaas ah muddo ku siman saddex iyo labaatan sano, ayadoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray isagoo afartan jir ah, uuna noolaa saddex iyo lixdan sano. Culummo kalena waxay tiri in Quraanka isagoo idil habeenkay ahayd Laylatul Qadarka laga soo dejiyey Lawxul Maxfuuthka lana keenay Baytu Al Cizzaati (Guriga Cizzada) ee ku yaalla Samadaan Adduunka ee dhow.

Macnaha soo dejinta Quraanka

Al Casqalaanii wuxuu yiri: “Al Asfahaanii wuxuu yiri: “Waxay Ehelu Al Sunnah wa Al Jamaacah isku waafaqeen in Hadalka Ilaahay lasoo dejiyay, waxayse isku khilaafeen soo dejinta macneheeda. Waxaana la yiri: waa muujinta akhrintiisa. Waxaa kaloo la yiri: Ilaahay Tacaalaa wuxuu Hadalkiisa ilhaamiyey Jibriil isagoo Samada kore ku sugan. Markaasuu baray sida loo akhriyo. Markaas kaddib ayuu Jibriil arliga ula soo degay oo uu sidaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu gudbiyey. Al Qudhbu Al Raazii wuxuu yiri: “Macnaha soo dejinta Kutubbada Rususha lagu soo dejiyo waxaa weeye inuu marka hore Malaggu intuu u fahmo si dhakhso leh, oo uu Ilaahay uga barto si ruuxaani ah, ama uu kasoo xifthiyo Lawxul Maxfuuthka, uu markaas intuu lasoo dego uu ayaga u gudbiyo.” Quraanka kasokow, Jibriil wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu

Calayhi Wasallam, kusoo dejiyay Sunnada Shariifka ah oo idil, sidayba noogu caddeeyeen Aayadaha sadex iyo afar iyo shan ee Suuratu Al Najmi: “Wa maa yandhiqu cani al hawaa(3)In huwa illaa Waxyun yuuxaa(4)Callamahu shadiidu al quwaa(5)Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: “Kamana hadlo hawadiisa(3 )Mana uusan aha waxaan ahayn Waxyi loo waxyooday(waana wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku hadlo, oo ah Sunnadiisa)(4)Waxaana wax baray (oo xagga Ilaahay kasoo gaarsiiyey) ku xoog wayn (oo ah Malag Jibriil)(5).” 

Bilaabashada Waxyiga

Al Bukhaarii wuxuu kitaabka “Al Tacbiiri” ee saxiixiisa uga wariyay Caa’ishah Xadiithkaan: “Awwalu maa budi’a bihi Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mina Al Waxyi al rru’yaa al saadiqatu fii al nnawmi. Fa kaana la yaraa ru’yaa illaa jaa’athu mithla falaqi al ssubxi. Fa kaana ya’tii Xiraa’an fa yataxannathu fiihi wahwa al ttacabbudu al llayaaliya thawaati al cadadi wa yatazaawwadu li thaalika. Thumma yarjicu ilaa Khadiijata fa tuzawwiduhu li mithlihaa, xattaa faji’ahu Al Xaqqu wa huwa fii ghaari Xiraa’in.Fa jaa’ahu Al Maliku fiihi fa qaala: “Iqra”’. Fa qaala lahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: “Maa anaa bi qaari’in”. Fa akhathanii fa ghadh-dhanii xattaa balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: “Iqra'” Fa qultu: “”Maa anaa bi qaari’in”. Fa akhathankii fa ghadh-dhanii al thaaniyata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: “Iqra”’. ” Fa qultu: “”Maa anaa bi qaari’in”. Fa akhathanii fa ghadh-dhanii al th-thaalithata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: “Iqra’ bi Ismi Rabbika Allathii khalaqa xatta balagha maa lam yaclam.” Fa rajaca bihaa tarjufu bawwaadiruhu xatta dakhala calaa Khadiijata fa qaala: “Zammiluunii Zammiluunii.” Fa zammaluuhu xatta thahaba canhu al rrawcu. Fa qaala: “Yaa Khadiijatu Maa lii?” Wa akhbarahaa al khabara wa qaala: “Qad khashaytu calaa nafsii.” Fa qaalat lahu: “Kallaa abshir! Fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu abadan! lnnaka la tasilu al rraxima wa tasduqu al xadiitha wa taxmilu al kalla wa taqrii al ddayfa, wa tuciinu calaa nawaa’ibi al xaqqi.” Thumma indhalaqat bihi Khadiijatu xattaa atat bihi Waraqata bina Nawfali bini Asadi bini Cabdi Al Cuzzaa bini Qusayyin wahwa ibnu cammi Khadiijata akhuu abiihaa, wa kaana imra’an tanassara fii al jaahiliyyati wa kaana yaktubu al kitaaba Al Carabiyya fa yaktubu biAl Carabiyyati mina Al Injiili maa shaa’a Allaahu an yaktuba, wa kaana shaykhan kabiiran qad camiya, fa qaalat lahu Khadiijatu: “Ay ibna cammi! Asmac min ibni akhiika.” Fa qaala Waraqatu: “Ibna akhii maa thaa taraa?” Fa akhbarahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, maa ra’aa. Fa qaala Waraqatu: “Haathaa Al Naamuusu allathii unzila calaa Muusaa! Yaa laytanii fiihaa jathacan akuunu xayyan xiina yukhrijuka qawmaka.” Fa qaala Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam: “Awa mukhrijiyya hum?” Fa qaala Waraqatu: “Nacam, lam ya’ti rajulun qadh-dhu bimaa ji’ta bihi illaa cuudiya, wa in yudriknii yawmuka ansurka nasran mu’azzaran.” Thumma lam yanshab Waraqatu an tuwuffiya. Wa fatara Al Waxyu fatratan xattaa xazina Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, fiimaa balaghanaa xuzsan ghadaa minhu miraaran kay yataraddaa min ru’uusi shawaahiqi al jibaali. Fa kullamaa awfaa bi thirwati jabalin likay yulqiya minhu nafsahu tabaddaa lahu Jibriilu fa qaala: “Yaa Muxammadu! Innaka Rasuulu Allaahi xaqqan!” Fa yaskunu li thaalika ja’shuhu wa taqirru nafsuhu. Fa yarjicu fa ithaa dhaalat calayhi fatratu Al Waxyi ghadaa li mithli thaalika. Fa ithaa awfaa bithirwati jabalin tabaddaa lahu mithla thaalika.” Qaala ibnu Cabbaasin: “Faaliqu al isbaaxi daw’u al shamsi bi al nnahaari wa daw’u al qamari bi alllayli.” W aana Xadiithka tirsigiisu yahay lix kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo sideetan ee saxiixu Al Bukhaarii. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxa ugu horreeyey oo uu Waxyiga kusoo dega Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku bilowday waxay ahayd riyo run ah oo uu arko isagoo hurda. Markaasuu markuu riyo arko waxay riyadu u caddayd sida subuxu ama waabarigu u cad yahay oo uu u iftiimayooo kale (oo waxay ahayd riyo aan beeni ku jirin iyo shaki, in la fasirana aan u baahnayn ayadooba iska caddayd). Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tegi jiray (godka magaciisu yahay Ghaaru Xiraa’aee ku yaalla buurta ku taalla Makkah Al Mukarramah ee la yiraahdo Jabalu Al Nuuri,  halkaasoo uu ku cibaadeysan jiray, kuna jiri jiray habeenno (iyo maalmohooda) badan. (cibaadeysigiisuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa mid fikriga ah, siduu jamhuurku u yiri, isagoo ku taagan Al Xanafiyyah, oo ah Diinta Ibraahiim). Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaas markuu aadayana saad ayuu qaadan jiray (saadkiisa ama cunnadooduna waxay ahayd hilib iyo caano, kuwaasoo aan wax badan raagayn ee fasaadaya, isaguna uu godkaas bil ku ictikaafi jiray iyo inuu u qumo xaajooyinka qoyskiisaba). Kaddibna wuxuu usoo laaban jiray Khadiijah, taasoo hadana siin jirtay saad kii la mid ah (intuu ictikaafka ku jiro). Sidaas isagoo ku sugan ayaa waxaa kadiyay Xaqqa (Xaqqa macnihiisu waxaa weeye arrinka xaqqa ah oo ah Waxyiga oo Xaq loogu magacaabay isagoo ka yimid xagga Ilaahay. Ama waa Rasuulka Xaqqa, oo markaas Xaqqu waa Jibriil) isagoo hogga Xiraa’a ku jira. Markaasaa waxaa u yimid Malagga (Jibriil). Markaasuu wuxuu yiri: “Akhri.” Markaasaan waxaan iri: “Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo”. Markaasuu i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu i sii daayey. Markaasuu hadana wuxuu yiri: “Akhri.” Markaasaan waxaan iri: “Anigu ma

Related Posts

Guuleystayaasha Caqliga Badan

Maxaad naftaada Ku Horumarin Karta

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

ISMAIL Mohamed

Leave a Comment