Nabi Nuux calayhi salaam
Waa nabiga ugu weyn marka laga soo tago Nabi Aadam, abtirsiimadiisa waxaa la sheegaa inuu galo Shiith ina Aadan.
Culimada taariikhda waxay inta badan farta ku fiiqaan in Nabi Nuux uu ku noolaa ciraaq iyo shaam,
Fadligiisa
Nabi Nuux wuxuu kamid ahaa nabiyada ulul-cazmiga oo ah shanta nabi ee ugu fadliga badan nabiyada.
Qur’aanka kariimka ah waxaa lagu sheegay 43 jeer, iyo suurado badan, taas oo ina tusaysa inuu yahay qof fadli badan ku dhex leh basharka, iyo in lagu daydo.
Waa Rasuulkii ugu horreeyay ee loo diray ummad.
Alle wuxuu ku tilmaamay addoon shukri badan.
Waa nabigii ugu waqtiga dheeraa ee ka shaqeeya dacwada Alle, 950 sano ayuu diinta ugu wacayay.
Waa shiikha Anbiyada.
Waa awowga labaad ee basharka.
Nabi Aadam calayhi salaam- waa aabbaha basharka, waxa uu ahaa nabigii ugu horeeyay ee
Arlada, waxa uu ku dadaalay in uu caruurriisa, iyo duriyaddiisa baro towxiidka, iyo in cibaadada Alle kaliya ay ugaar tahay, waxa uuna ka reebay shirkiga, iyo caabudidda cid aan Alle ahayn, waxa uu uga digay khatarta sheydaanka, waxa uuna u cadeeyay in ibliis uu yahay cadowga Alle.
Muddo ayaa kasoo wareegatay geeridii nabi Aadam calayhi salaam, tirada basharka waa ay korortay, waxay caabudayeen Alle oo kaliya, ma aysan aqoon shirkiga, dhowr qarni kadib dardaarrankii nabi Aadam ayaa la ilooway, haddana waxaa jiray dad wanaagsan oo markasta dadka xusuusiya wanaagga.
Bilowgii sanam-caabdudka
Xilliyadaasi waxaa soo shaacbaxay in si weyn loo xuso dadkii wanaagsanaa ee geeriyooday, lana buunbuuniyo sawiradooda, iyo xabaalahooda si loogu deydo camalkooda wanaagsan, balse jiilkii ka dambeeyay ayaa sheydaan uga dhigay in dadkaasi la caabudi jiray, islamarkaana wuxuu cagta u geliyay shirki iyo dembiyo waaweyn, waana markii ugu horaysay ee dhulka dushiisa lagu caabudo sanam.
Nabi Nuux oo lasoo diray
Nabi Nuux calayhi salaam wuxuu ahaa qof rumaysan Allaah, waxa uu u tagay qowmkiisa isaga oo ugu yeeraya rumeynta Allaah keligii oo aan loo shariik yeelin, Wuxuuna dhihi jiray: Qowmkaygiyoow Anigu waxaan idin ahay mid idin diga oo waliba digniin cad ah, Waxaan idin leeyahay Alle caabuda oo ka baqa oo adeedca,
Balse hadalkii nabi Nuux dhegaha ayay ka furaysteen oo way iska indhatireen,waxayna dhihi jireen Adigu wax aad na dheertahay ma jirto, dadka adiga ku raacayna waa kuwa u liita bulshada,
markasta oo uu xagga Rabbi ugu yeero nabi Nuux dhegaha ayay faraha gashan jireen, haddana nabi Nuux wuxuu juhdi iyo dadaal ku bixiyay inuu u naseexeeyo qowmkiisa, nabi Nuux wuxuu xusuusin jiray fadliga iyo nimcada oo Alle ku mannaystay qowmkiisa,
Haddii qof iyaga kamid ah uu dareemo in geeridiisa ay soo dhowdahay wuxuu u dardaarmi jiray caruurtiisa, wuxuuna dhihi jiray: iska ilaaliya ninkaas yaanu diintiina idinka saarine.
Nabi Nuux wuxuu sii waday dacwadiisa, haddana qowmkiisa waxay gacanta kula jireen fisqi iyo macaasi, wuxuuna dacwadii waday 950 sano oo uu diinta ugu yeerayay qiyaamahana xusuusin jiray, waxaa la sheegaa inay rumeeyeen dad tiro ahaan aad u yar, dhowr iyo siddeetan qof ayaa lagu sheegaa dadkii rumeeyay, waxaase la yaab leh in xaaskiisii oo ay dadka ugu dhowayd aysan rumayn oo kufriday,
Nabi Nuux ayaa Allaah baryay oo yiri: Rabbiyoow Aniga waa la iga adkaaday ee ii gargaar,
Allaah subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday nabi Nuux in qowmkiisa aysan rumayn doonin intii horay u rumaysay mooyee, sidoo kale uusan isku murjin waxay samaynayaan, nabi nuux ayaa Alle ka baryay inaan arlada korkeeda looga tagin wax gaal ah, waxaana la faray inuu uu sameeyo doon ay fuulaan isaga iyo intii rumaysay.
Nabi Nuux calayhi salaam wuxuu guda-galay samaynta doonnidii la faray, Alle subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday sida loo sameeyo doonta, qowmkiisa markii ay arkeen nabi Nuux oo doonni samaynaya waxay bilaabeen inay ku jeesjeesaan, waxayna dhihi jireen Nuuxow ma najaar baad noqotay oo nabinimadii ma iska daysay? Wuxuu nabi Nuux ku warcelinayay: Haddaad iminka nagu jeesjeestaan innaga ayaa idinku jeesjeesi doonnaa idamka Alle.
wuxuu dhisay doon aad u weyn oo ka kooban seddex dabaq, oo dabaqa hoose la dejiyay wuxuushta, iyo dugaagga, qaybta dhexena waxaa la dejiyay daabooyiinka iyo shimbiraha, dabaqa sarena waxaa degay nabi Nuux iyo intii rumaysay, waxaana la faray in xayawaanaadka nooc waliba lab iyo dheddig laga saaro doonta, doonnida socodkeeda iyo joogsigeeduba wuxuu ku xiranyahay Bissinka.
Calaamaddii Halaagga
Allaah subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday nabi Nuux in calaamadda uu ku garanayo xilliga uu cadaabka imanayo ay tahay in tanuurka muufada uu biyo kasoo baxo, sidii ayaana dhacday, dhulka ayaa ilo biyo ah ka dillaacay, cirkuna wuxuu keenay biyo aan kala go’ lahayn , biyihii dhul iyo cir ayaa is-qabsaday, mowjado waaweyn oo buuraha oo kale ah ayay dulsabbaynaysay doonnida.
Halka uu ku dambeeyay wiilkii caasiga ahaa
Markii Rabbi faray nabi Nuux in doonnida uu saaro xayawaanaadka, shimbiraha, dugaagta, iyo dadkii rumeeyay, nabi nuux wuxuu xiray iridda doonnida, waxaana arladii isku shareeray mawjado biyo ah.
Nabi Nuux wuxuu ugu yeeray wiilkiisa inuu soo raaco doonta, balse wiilkii ayaa ka dhagaadaygay, wuxuuna yiri: waxaan tagi doonnaa doon iga ilaalinaysa biyaha, nabi nuux ayaa ku jawaabay: Maanta ma jiro wax kaa ilaalin kara halaagga ilaahey, Alle cidda u naxriisto mooyee, iyagoo sidaa u wadahadlaya waxaa dhexgalay hirkii butaacayay, wiilkaasina halkaas buu ku qarqoomay.
Nabi Nuux wuxuu u dhawaaqay Rabbi, wuxuuna yiri: Rabbiyoow wiilkayga wuxuu kamid ahaa ehelkayga, ballantaaduna waa dhab, kuwa wax xukuma adaa u xukun wanaagsan.
Allaah ayaa u jawaabay nabi Nuux, wuxuuna Alle yiri: Nuuxow wiilkani ehelkaaga kama mid aha, isagu wuxuu la yimid camal aan wanaagsanayn, wax aanad aqoon u lahayn ha i weydiin, Anigu waxaan kaa waaninayaa inaad juhalada kamid noqoto.
Nabi Nuux ayaa Alle weydiistay dembi-dhaaf iyo naxariis.
Dadkii Alle ku caasiyay halkaas ayaa lagu halaagay, dhulka ayaa sidiisii hore kusoo laabtay, Alle wuxuu yiri: Dhulkoow biyahaaga iska liq,cirkiiyoow adiguna jooji biyaha, halaagiina waa la dhameeyay, doonnidiina waxay isku qotomisay oo joogsatay buur uu Alle u diyaariyay, buurtaas waxaa la sheegaa in ay ku taallo woqooyiga Ciraaq.
Markale ayay noloshii ku soo noqotay dhulka, dadka dhulka joogayna waxay ahaayeen mu’miniintii rumeeyay nabi Nuux calayhi salaam.
Maxaynu ka baran karnaa qisadani?
▪Shaydaan waa cadowga ugu weyn basharka.
▪Shaydaan ayaa sabab u ahaa caabudidda sanamyada.
▪Shaydaan oo la raaco waxaa laga dhaxlaa cadaab adduun, iyo mid aakhiro.
▪Nabi Nuux waa aabbaha labaad ee basharka.
▪Duufaantu waa nucjiso xagga rabbi ka timaadda.
▪Ilaahey wuxuu u gargaaraa addoomadiisa mu’miniinta ah, wuxuuna halaagaa kaafiriinta iyo daalimiinta.